Xiddiga ka tirsan xulkaa qaranka England ayaa shaaciyey in ay geeriyootayy ayeeydii hooyo maalmo ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunka, laakiin uu diiday fasax uu tababare Gareth Southgate u siiyey inuu ka qayb-galo aaska iyo tacsida qoyskooda u taallay ee geerida ayeydii.
Difaaca bidix ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa sheegay, in markii uu soo gaadhay waddanka Qatar ee ay bilaabeen u diyaargarowga Koobka Adduuunka in ay dhimatay ayeydii hooyo.
Tababare Gareth Southgate ayaa usoo jeediyey laacibkan inuu qaato fasax oo uu ka qayb-galo aaska, laakiin Shaw ayaa iska diiday inuu tago aaska ayeydii sababtana waxa uu ku sheegay inuu yahay difaaca bidix ee kaliya ee xulka qaranka England haysto.
27 jirkan oo dhaawac ku seegay Koobkii Adduunka ee 2018 ayaa waxa uu aaska ayeydii ka doorbiday inuu xulka qarankiisa England u ciyaaro, waxaanu yidhi: “Ayeyday ayaa geeriyootay, waxa ku dhacay kansar oo muddo dheer hayey, nasiib-darro, waxay geeriyootay maalmo ka hor ciyaartayadii koowaad [Koobka Adduunka].
“Gareth wuu ii fiicnaa aniga, wuu ila hadlay waxaanu i weydiiyey haddii ay wax walba caadi yihiin iyo haddii aan u baahanahay fasax.
“Aniga Koobkan Adduunku wax badan ayuu ii yahay, sidaa darteed ma doonayn in aan seego. Waqti ayaan siiyey aaska, muhiim ayay u ahayd noloshaydii carruurnimada, waqti badan ayaan lasoo qaatay, sidaas darteedna dhiirigelin ayaan ka dhigtay murugadeeda.”