Kooxaha kubadda cagta Manchester United iyo Arsenal ayay dhegtu taagan tahay, waxaanay isku diyarinayaan dagaal dhinaca suuqa ah oo ay bisha January ku kala jiidan doonaan saxeexa xiddig lacago badan lagu xidhayo, balse u xaqiijiyey kooxdiisa in uu doonayo inuu iskaga tago marka uu soo dhamaado Koobka Adduunka.
Arsenal oo haysa hoggaanka horyaalka Premier League, isla markaana afar dhibcood ka horreysa Manchester City oo kaalinta labaad fadhida, waxa la sheegay inay isku dayi doonto saxeexa weeraryahan awood u leh dhalinta goolasha oo beddel u noqon kara Gabriel Jesus amaba ka garab ciyaari kara.
Sidoo kale, Manchester United oo burburisay heshiiskii ay kula jirtay Cristiano Ronaldo ayaa raadinaya weeraryahan u beddela xiddiga Portugal, waxaana uu Erik ten Hag kala dooranayaa dhawr ciyaartoy oo uu eegayo suurtogalnimada helitaankooda.
Labadan kooxood ee horyaalka Premier League ayaa la sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda xiddiga xulka qaranka Portugal iyo Atletico Madrid ee Joao Felix oo toddobaadkii hore u sheegay kooxdiisa inuu doonayo inuu ka tago bishan January.
23 jirkan oo shan kulan oo kaliya ugu soo bilowday Atletico 14kii ciyaarood ee horyaalka La Liga ee ay dheeshay, ayaa waxay is-faham la’aani u dhaxaysaa tababare Diego Simeone oo marar badan ay isku dhaceen, waxaana uu hadda maamulka kooxda ku wargeliyey in aanu sii joogayn.
Felix ayaa sannadkii 2019 ay Atletico Madrid kusoo iibsatay lacag gaadhaysa £113 milyan oo Gini, waxaana 129 ciyaarood oo uu u saftay uu u dahliyey 51 gool.
Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Chelsea ayaa la sheegay in ay saxeexa Joao Felix kula tartamayaan Manchester United iyo Arsenal.