Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Xavi Oo Saadaaliyey Labada Xul Ee Iskugu Imanaya Finalka Koobka Adduunka Iyo Naadiyada Imanaya Finalka Champions League

by Abdiwahab Ahmed
December 6, 2022
0
Xavi Oo Saadaaliyey Labada Xul Ee Iskugu Imanaya Finalka Koobka Adduunka Iyo Naadiyada Imanaya Finalka Champions League

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa saadaaliyey labada xul ee iskugu iman doona finalka Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar ee wareeggiisa 16ka caawa lasoo gabogabaynayo iyo sidoo kale labada  naadi ee iskugu imanaya finalka Champions League ee xilli-ciyaareedkan 2022-23.

ADVERTISEMENT

Koobka  Adduunka oo uu difaacanayo xulka qaranka France ayaa waxa wareegga siddeedda isku dhacay dalal waaweyn, sida France vs England, Brazil vs Croatia, Argentina vs Holland, iyo xulalka caawa  soo gudba oo iyaguna isku dhici doona.

Xavi Hernandez oo ku sugan waddanka Qatar oo uu ka daawanayo Koobka Adduunka, ayaa ka tegi doona maalmaha soo socda, si uu kooxdiisa ula bilaabo tababarka isku-diyaarinta xilli ciyaareedka, iyadoo xiddigaha aan loo qaadanin Koobka Adduunku ay bilaabi doonaan tababarka.

Xavi oo la weydiiyey labada xul ee iskugu soo bixi doona finalka Koobka Adduunka, waxaanu ku jawaabay: “Saadaashayda finalka Koobka Adduunka? Waa Brazil vs Spain.”

ADVERTISEMENT

Xulka Spain ee uu  Xavi saadaaliyey inuu finalka tegayo ayaa waxay caawa la dheelayaan Morocco, haddii ay soo dhaafaanna waxay wareegga siddeedda ku dhacayaan Portugal ama Switzerland midkooda soo gudba. Haddii nasiibkoodu fiicnaado oo ay semi-finalka yimaaddaan, waxay la ciyaari doonaan England iyo France midkooda soo gubba.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023

Sidoo kale, Brazil oo xalay u gudubtay wareegga siddeedda markii ay ka adkaatay South Korea ayaa waxay ku dhacday Croatia, haddii ay dhaaftana waxay is-haleeli doonaan Argentina & Holland midkooda soo baxa, ka hor inta aan la go’aamin cidda tegaysa finalka.

Xavi Hernandez ayaa waxa kale oo la weydiiyey labada kooxood ee iskugu imanaya finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaanu yidhi: “Saadaashayda finalka Champions League? Aad ayay u adag tahay in la saadaaliyo, laakiin waxay ila tahay Bayern Munich vs Manchester City.”

ADVERTISEMENT
Share350Tweet219
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.