Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Xavi Oo Saadaaliyey Koobka Adduunka, Labada Xul Ee Uu Finalka Iskugu Keenay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Spain

by Abdiwahab Ahmed
November 22, 2022
0
Xavi Oo Saadaaliyey Koobka Adduunka, Labada Xul Ee Uu Finalka Iskugu Keenay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Spain

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa magacaabay xulalalka ay la tahay in midkood ay ku guuleysanayaan Koobka Adduunk,a isaga oo dhinaca kalena soo bandhigay fursadaha uu helayo xulka qarankiisa Spain ee sannadkan aan ku jirin dalalka sida aadka ah loo hadal hayo.

ADVERTISEMENT

Xavi Hernandez ayaa kalmaddiisa ku darsadaya saadaasha Koobka Adduunka ee indhaha dunida oo dhan kusii jeedaan, waxaana uu sheegay in midkood uu ku guuleysan doono xulka qaranka Argentina ee maanta guul-darrada xanuunka  kulul kala kulmay Sucuudiga iyo Brazil oo aan wali ciyaarin.

“Saadaashu way isbeddellaysaa, wax walbana way is rog-rogayaan laakiin aniga waxa ii muuqata in Brazil iyo Argentina ay hal tallaabo ka horreeyaan dalalka Yurub.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Waxa uu Xavi Hernandez sharraxay sababta uu ugu nisbaynayo in Brazil iyo Argentina ay midkood ku guuleysan doono, waxaana uu yidhi: “Waxay haystaan Neymar iyo Messi oo aad u wanaagsan. Balse waxa iyaguna jooga oo ku guuleysan karaya France, Spain, Portugal, England, Germany, Belgium iyo Croatia.”

ADVERTISEMENT

Mar la weydiiyey rajada xulka qaranka Spain, waxa uu ku jawaabay: “Rajo ayaan leeyahay. Luis Enrique waxa uu dhisay koox aad u wanaagsan, waana tababare fiican. Waa macallinka ku habboon Spain sababtoo ah shaqsiyaddiisa, waana in aad aaminto kooxdaada. Anigu niyad-samaan badan ayaan ku qabaa Spain.”

Sidoo Kale Akhri

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023
Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

January 28, 2023

Waxa kale oo uu Xavi amaanay ciyaartoyda xulka qaranka Spain, waxaanu yidhi: “Waxay ku ciyaari doonaan shaqsiyad, cadaadis sare, kubbad-hayn iyo kubbad toosan. Waxay haystaan ciyaartooyo da’yar iyo ruug-caddaayo isku badhxan, sida Busquets, Alba iyo Koke. Ma ahaa koox fudud, ciyaarta koowaadna waxay muhiim u noqon doontaa mustaqbalka tartanka. Guul ay gaadhaan wax badan ayay horseedi doontaa.”

ADVERTISEMENT
Share350Tweet219
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Juventus oo booska labaad kaga jirtay kala sarreynta horyaalka Serie A ciqaab marin lagu sameeyay...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.