Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaciyey koobka uu doonayo in kooxdiisu ku guuleysato xilli ciyaareedkan, kaas oo uu tilmaamay in uu dib ugu soo celin doono xasilloonida iyo niyaddii wanaagsanayd ee kooxda.
Xavi oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in horyaalka La Liga uu yahay hammigooda xilli ciyaareedkan maadaama aanay ku jirin kooxaha ku tartamaya Champions League oo ay wareeggii group-yada kaga hadheen, isla markaana u dhaceen Europa League.
Barcelona ayaa hal koob oo kaliya ku guuleysatay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana uu ahaa Copa del Rey oo sannadkii 2021 uu u qaaday tababarihii la caydhiyey ee Ronald Koeman, iyadoo laba sannadood oo isku xigtana wareegga group-yada ay kaga hadheen Champions League.
Kooxda oo sidoo kale la halgamaysa dhibaatooyin dhaqaale, isla markaana sharciga dhaqaalaha La Liga uu ku qabsay inay fasaxaan Lionel Messi 18 bilood ka hor ayaa waxa uu Xavi rumaysan yahay in sannadkan ay horyaalka ku tartami karayaan maadaama ay siddeed saxeex sameeyeen, iyaga oo isticmaalaya 150 milyan oo Euro.
Horyaalka LaLiga oo dib u bilaabmaya iyadoo Barcelona hoggaanka ku haysa laba dhibcood oo nadiif ah oo ay ka horreyso Real Madrid, ayaa waxa uu Xavi oo la hadlayay telefishanka kooxdiisa ee Barca TV uu yidhi: “Horyaalka LaLiga ayaa muhiimaddayada ah.
“Waxa aanu ciyaaraynaa Spanish Super League bisha January iyo Copa del Rey iyo Europa League, laakiin waxa aanu calaamadsanay horyaalka LaLiga.
“Haddii aanu ku guuleysano LaLiga, tusaale ahaan, waxa uu noo noqon doonaa xilli ciyaareed wanaagsan. Haddii aanu ku guuleysano Superocpa oo kaliya, waanu ka hoosaynaa halkii aanu hiigsanaynay. Waxa aanu doonaynaa in aanu wax walba ku guuleysano, laakiin LaLiga waxa uu dib ugu soo celinayaa kooxda xasilloonida, mashruucuna waxa uu noqonayaa mid xasilloon.”
Barcelona ayaa waxay kulankeeda koowaad ee horyaalka la ciyaari doontaa Espanyol marka ay taariikhdu tahay December 31, waxaana uu Xavi rajaynayaa in ay dib ugu soo laaban doonaan ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnayd sida Ronald Araujo, Sergi Roberto iyo Franck Kessie.