Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Xavi Oo Ka Dalbaday Dalbaday In Loo Keeno Ciyaartoy YUHUUDI Ah

by Abdiwahab Ahmed
January 13, 2023
0
GO’AAN: Xavi Oo Qatar Kasoo Laabtay Isagoo Soo Gaadhay Go’aanka Xiddiga Bedelaya Sergio Busquets

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay la saxeexato ciyaartoy Yuhuudi ah oo uu dalbaday tababare Xavi Hernandez in loo keeno suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, kaas oo haddii ay waqtiga saxeexiisa ku guuleysan waayaanna ay mar kale ku rogaal-celin doonaan xagaaga.

ADVERTISEMENT

Xavi Hernandez ayaa la dhacsan qaab-ciyaareedka Oscar Gloukh oo khadka dhexe uga dheela kooxda Mccabi Tel Aviv ee ka dhisan caasimadda awaddanka Israel.

Oscar Gloukh ayaa la sheegay inay danaynayaan kooxo badan oo reer Yurub ah, laakiin ay Barcelona tahay koxoda ugu cadcad saxeexa laacibkan.

Wargeyska ONE ee kasoo baxa Israel ayaa maanta boggiisa hore ku qoray, in Barcelona ay la xidhiidhay Oscar Gloukh oo ay diyaarinayso dalab rasmi ah oo ay usoo bandhigto kooxdiisa Maccabi Tel Aviv, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qiimaha ay ku doonayaan.

ADVERTISEMENT

Warka ayaa intaa ku daray, in 18 jirkan ay Barcelona ay la socotay illaa bilowgii xilli ciyaareedkan, haddana ay diyaarinayaan dalabkii ay ka agudbin lahaayeen.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

PSV Eindhoven, Ajax iyo Feyenoord ayaa la sheegay in ay dhamaantood danaynayaan Oscar Gloukh oo ka ciyaara booska No.10, balse sidoo kale ay kooxaha Faransiiska  ee Marseille iyo AS Monaco ay iyaguna saxeexiisa doonayaan.

Borussia Dortmund ayaa iyaduna ala socotay laacibkan illaa yaraantiisii, sidoo kalena Tottenham ayaa la rumaysan yahay inay si dhow ula socoto korriinkiisa.

Si kastaba  ha ahaatee, warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Oscar Gloukh lagu heli karayo 7 milyan oo Euro.

ADVERTISEMENT
Share326Tweet204
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.