Tababarihiisa ayaa u sheegay in uu raaco oo uu xidho, waxaana uu qaatay go’aan adag oo ah in aanu ciyaartaba qayb ka noqon laakiin uu kaliya isaga u diido kubadda, taas oo ka dhigan in labada kooxoodba uu min hal ciyaartoy go’doon yahay oo aanu kubadda ciyaarayn.
Waa xeelad ay isticmaashay Manchester United kulankii Chelsea ee Old Trafford ee April 2017, waana xeeladihii Jose Mourinho ku soomin jiray ciyaartoyda kasoo horjeedda, isaga oo dagaal iyo xeeladba isticmaalaya.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Ander Herrera ayaa ka sheekeeyey waqtigiisii Manchester United, gaar ahaan kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League oo ay la ciyaareen Chelsea.
Waa garoonka Old Trafford oo ay Blues soo booqatay April 2017, iyadoo Chelsea hoggaaminaysa horyaalka Premier League, taas beddelkeedana ay Manchester United u dagaallamaysay inay soo gasho kaalinta afraad.
Jose Mourinho ayaa u sheegay Herrera inuu xidho Eden Hazard oo ku jiray qaab-ciyaareed wanaagsan isla markaana ahaa ciyaartoyga ugu fiican ee Blues, kaas oo si fudud u burburin jiray difaacyahannada. Man United ayaa ciyaartaas ku badisay 2-0, waana mid ka mid ah xusuusaha qaaliga ah ee ay taageereyaasha Red Devils u hayaan Jose Mourinho.
Ander Herrera oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa wax laga weydiiyey ciyaartaas, waxaanu yidhi: “Waqtigaas, Hazard ayaa ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Premier League, waxaana uu ahaa laacibka ugu fiican dhinaca gool-dhalinta iyo caawainta iyo wax kastaba.
“Chelsea hoggaanka ayay haysay, lamana celin karayn, laakiin Mourinho ayaa go’aamiyey in aan anigu joojiyo isaga. Laba maalmood ka hor ciyaarta, waxa aan ku idhi Jose: ‘Waxa aan iskugu dayi doonaa sida ugu wanaagsan. Xataa haddii uu tago suuliga/musqusha, waan u raaci doonaa.’
“Waxay ahayd arrin cajiib ah sababtoo ah waxa la i saaray masuuliyad difaac, waxaanan sameeyey caawin iyo gool aan dhaliyey. Hazard-na fursad ma aanu helin, waxay ahayd arrin riwaayad ah.”