Sida uu sheegayo madaxa fulinta kooxda Eintracht Frankfurt ee Axel Hellmann, weeraryahan Cristiano Ronaldo ayaa saxeexiisa kooxdooda loosoo bandhigay.
Ronaldo ayaa degdeg looga fasaxay Manchester United kaddib waraysi uu kooxda waxbadan kaga sheegay kahor bilaabashadii Koobka aduunka, 37 sano jirkaas ayaa ilaa haatan koox la’aan ah.
Ronaldo ayaa ilaa xagaagii doonayay inuu iskaga tago Man United si uu u helo koox Champions League ka ciyaaraysa, Frankfurt ayuu haatan madaxeeda fulintu ku dooday inay kamid ahaayeen kooxaha fursada saxeexiisa helayay.
Kooxda ree Germany oo wareega 16-ka Champions League la ballansan Napoli ayaa heli karaysay inay Ronaldo safkeeda ku xoojiso.
Hellmann oo il-wareedka DAZN arrimahaas kala hadlay ayaa yidhi “Isaga (Ronaldo) xataa anaga saxeexiisa waa naloo soo bandhigay”
Kaddib waxa hadalka qaatay Philip Holzer oo ah guddoomiyaha boodhka indho-indhaynta kooxda wuxuuna yidhi “waxaan qabaa dareen ah in koox kasta oo Champions League loo bandhigay”
Kaddib markii uu goolkoodii ugu horreeyay Koobka aduunka u dhaliyay Portugal ayuu Ronaldo awoodi waayay inuu intaas kaddib shabaqa gaadho isagoo xataa booskiisa waayay wareegyadii dambe.