Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ee Antonio Cassano ayaa eedaymo u jeediyey xiddiga reer Brazil ee Richarlison oo laba gool u dhaliyey dalkiisa ciyaartii ay Serbia 2-0 kaga adkaadeen, waxaana uu Cassano diiday qaabka uu Richarlison kubadda u qabtay ka hor intii aanu dhalinin goolkii labaad.
Richarlison oo ay da’diisu tahay 25 jir, ayaa Khamiistii xulkiisa guusha ku hoggaamiyey, iyadoo ciyaartaasna ay kaga dhaawacmeen Neymar Jr iyo Danilo oo seegaya kulamada wareegga group-yada ka hadhsan.
Antonio Cassano ayaa ka hor ciyaartaas waxa uu sheegay, in Richarlison aanu ahayn ciyaartoy wanaagsan oo ku habboon inuu u ciyaaro xulka qaranka Brazil, hase yeeshee markii uu laacibkani goolka quruxda badan dhaliyey ayaa mar kale la weydiiyey Antonio Cassano haddii ay wax iska beddeleen aragtidiisii hore ee uu ka qabay laacibkan, waxaanu ku jawaabay: “Mar kale ayaan ku celinayaa. Brazil waxay haysataa 25 ciyaartoy oo wanaagsan, waxa kaliya ee ka maqan waa hal ciyaartoy, kaasna waan xaqiijinayaaye waa Richarlison oo aan ahayn ciyaartoy fiican.”
Mar wax laga weydiiyey goolka uu dhaliyey Richarlison, waxa uu Antonio Cassano ku jawaabay sidan: “Runtu waxay tahay, in taabashadii koowaad ee Richarlison ay xumayd, sababtaas ayuu iskugu rogay sida maqaska. Malaha waxyaabihii lagu yaqaanay weeraryahannada reer Brazil. Goolka labaad ee uu dhaliyey goolku cidlo ayuu ahaa.”
Antonio Cassano oo usoo ciyaaray kooxaha Bari, Roma, Inter Milan, AC Milan iyo Real Madrid ayaa waxa uu sidoo kale weeraray dalalka Saudi Arabia, Qatar iyo Iran oo uu sheegay in aanay wax guul ah keenayn, xataa haddii ay 33 ciyaartoy kusoo galaan garoonka, laakiin hadalkiisa kaddib Sucuudiga ayaa 2-1 ku garaacay Argentina, sidoo kalena Iran ayaa 2-0 ku dubatay Wales.