Khadka dhexe ee kooxda Fiorentina iyo xulka Morocco ee Sofyan Amrabat oo hore loola xidhiidhinayay kooxo Liverpool ugu horreyso ayay warar cusubi sheegayaan inuu koox kale doortay.
Amrabat ayaa muhiim u ah kooxdiisa Fiorentina balse bandhigyo caalami ah oo uu kusoo sameeyay tartankii Koobka aduunka ee Qatar ka qabsoomay ayaa sababay in kooxo badani damcaan saxeexiisa.
Saxeexa Sofyan ayaa lala xidhiidhinayay Liverpool oo xoojin uga baahan khadkeeda dhexe iyo Tottenham oo uu tababare Antonio Conte ilaa Koobka aduunka kahor ka doonayay.
Haatan sida uu sheegay saxafi Santi Aouna, 26 sano jirkaas ayaa doortay inuu ku biiro kooxda ree Spain ee Atletico Madrid.
Warbixinta Aouna ayaa intaas ku daraysa in haatan Atletico Madrid ay iyada qusayso sidii ay Fiorentina saxeexa Amrabat ugala hadli lahayd balse ciyaaryahanku go’aankiisa caddeeyay.
Amrabat ayaa la fahamsan yahay inuu maalmo kahor wicitaan ka helay kooxda caasimada Spain oo isku dayi doonta inay la wareegto gudaha suuqan January.
Rojiblancos ayaa la filayaa in macalinka 11ka sano soo hoggaaminayay ee Diego Simeone uu ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Xiddigaha kale ee Atleti lala xidhiidhinayo ayay kamid yihiin Memphis Depay oo ay bedelka Joao Felix u rabaan iyo Caglar Soyuncu daafaca dhexe ee Leicester City.