Manchester United oo dhawaan ku dhawaaqday inay heshiis wadareed ku kala tageen weeraryahankeedii Cristiano Ronaldo ayaa haatan u muuqata mid bilawday ka shaqaynta bedelkiisa.
Ronaldo ayaa dhawaan saxafi Piers Morgan siiyay waraysi uu wax badan kaga hadlay isagoo ku dhaliilay kooxda uu ka tirsanaa.
Waraysigaas uu Ronaldo tababaraha iyo mulkiilayaasha Red Devils ku eedeeyay ayaa sababay inay kooxdu kansasho gabi ahaanba heshiiskiisa.
Haatan sida uu sheegay wargeyska Football Insider, Manchester ayaa heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay bedelka Ronaldo oo ay u doorteen xiddiga PSV iyo xulka Netherlands ee Cody Gakpo.
Gakpo oo dhammaan boosaska weerarka ka ciyaari kara ayaa asal ahaan garab bidix ah balse sidoo kale doorka No.9 dheeli kara.
Cody ayaa durba laba gool ka dhaliyay koobka aduunka kaddib laba kulan oo uu Holland ku metelay isagoo muhiim ka ah shaxda tababare Louis Van Gaal.
Gakpo ayaa hore u caddeeyay sida uu u doonayo inuu talaabo hore ugu qaado oo koox weyn ugu biiro, PSV ayaa degdeg saxeexiisa loogala heshiin karaa haddii qiimaha saxda ah lagu dalbado.
Dhinaca kale il-wareedka ESPN ayaa sheegaya in tababare Ten Hag maamulka kooxdiisa degdeg uga doonayo saxeexa Gakpo.
Manchester ayaa xagaagii wadahadal mar la furtay Gakpo sida uu sheegay kahor inta aysan uga weecan Antony oo bartilmaameedka koowaad u ahaa.