Waxa xogo cusubi kasoo kordhayaan arrimaha heshiiskii ay kooxda Chelsea ku doonaysay khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez oo ay wadahadalkiisa ku jireen maalmihii ugu dambeeyay.
Chelsea ayaa diyaar u ahayd inay 112 Milyan oo pound ka bixiso Enzo oo ah lacag 6 Milyan oo pound ka badan 106-da Milyan ee heshiiskiisa Benfica lagu jabin karo.
Si kastaba, Benfica ayaa doonaysa in dhammaan lacagta heshiiskiisa ku xidhan loo qadimo xilli ay Chelsea soo bandhigtay qorshaha ah inay 37.3 Milyan pound ku bixiso saddex heer.
Benfica ayaa ka cago-jiidaysa iibinta Fernandez kaddib wacdarihii uu kasoo dhigay Koobka aduunka, 21 sano jirkaas ayaa tababare Roger Schmidt u sheegay Salaasadii markii uu kooxda kusoo laabtay dareenkiisa ah inuu Blues ku biiro.
Chelsea ayaa ugu hanjabaysa Benfica inay heshiiska ka bixi doonto oo bartilmaameedyadeeda kale u wareegi doonto haddii aysan degdeg u aqbalin qorshaha ay ula yimaadeen.
Haddii uu Fernandez u wareego Stamford Bridge ayuu noqon doonaa saxeexa ugu qaalisan taariikhda Premier League isagoo dhaafaya Jack Grealish.
Sidoo kale saxafi Cesar Luis Merlo ayaa sheegaya in wadahadalkii u dhaxeeyay Benfica iyo Chelsea uu burburay iyadoo shaki galinaysa warar hore u sheegayay in la heshiiyay.