Waxaynu dhawaan daawan karnaa kulan markale dhex mari doona kooxo ay hoggaaminayaan xiddigaha jiilkan ugu fiicnaa ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo markale iska hor iman kara.
Xalay ayay ahayd markii kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo uu shandidihiisa ka xidh-xidhay qaarada Yurub ee uu mudada dheer kasoo arriminayay isagoo ka degay bariga dhexe.
Cristiano ayaa heshiis laba sano iyo badh ah oo uu sanadkii 200 Milyan oo euro ku qaadanayo qalinka ugu duugay kooxda ree Saudi Arabia ee Al Nassr.
Ronaldo ayaa bishii hore Man United si wadajir ah ula kansalay heshiiskii uu Old Trafford ku joogay kaddib khilaaf labada dhinac soo kala dhex galay.
Ronaldo ayaa intaas kaddib wax dalab ah oo uu ku qanco ka waayay qaarada Yurub isagoo ugu dambayn ka huleelay.
Si kastaba, kulanka dhawaan aynu markale ku daawan karno Ronaldo iyo Messi ayaa ah mid 19-ka bisha dambe ee January qabsoomaya sida uu sheegayo saxafi Achraf Ben Ayad.
Maalintaas ayay PSG kulan saaxiibtinimo la ciyaari doontaa shax isku dhaf ah oo laga soo xulay kooxaha ree Sacuudi ee Al Nassr iyo Al Hilal taas oo ka dhigan in Ronaldo kulankaas qayb ka noqon karo.