Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa suuqa dhigtay saddex ka mid ah xiddigaheeda kooxda koowaad oo ay doonayso inay iibiso bishan January ee aynu ku jirno, si ay u yareeyaan kharashka badan ee dhinaca mushaharka ee ay kooxdu bixiso.
Suuqa January ayaa la filayaa inuu Barcelona u noqdo mid mashquul badan oo ay furaan albaabka bixitaanka, kaddib markii ay xagaagii tegay soo urursadeen ciyaartooyo badan, sida Jules Kounde, Robert Lewandowski, Raphinha, Franck Kessie, Andreas Christensen iyo Hector Bellerin.
Saddexda ciyaartoy ee la sheegay in ay Barcelona doonayso inay iibiso ayaa waxa ku jira xiddiga reer Brazil ee Raphinha oo xagaagii tegay ay £55 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Leeds United, balse booskiisa garabka midig uu ka qaaday Ousmane Dembele taas oo keentay in la geeyo garabaka bidix halka kulamada qaarkoodna uu kaydka ku jiro.
Wariyaha ciyaaraha reer Spain ee Jose Alvarez ayaa sheegay, in Barcelona ay diyaar u tahay inay dhegaysato kooxaha danaynaya Raphinha, isla markaana laga iibin doono haddii lacago macquul ah loola yimaaddo.
Waxa kale oo ay Barcelona iibinaysaa xiddigeeda da’yarta ah ee Ansu Fati oo ah ciyaartoygii ugu da’da yaraa taariikhda naadiga ee gool u dhaliya, rikoodhkaas oo uu sameeyey iyadoo ay da’diisu ahayd 16 jir. Fati ayaa waxa korriinkiisa ciyaareed dhantaalay dhaawacyo sababay inuu waqtiyo badan garoomada ka maqnaado.
20 jirkan ayaa lagu sameeyey afar qalliin oo kala duwan muddo lix bilood ah, sida uu sheegay khabiirka qalliinnada jilbaha ee Dr Llobert oo isaga oo la hadlayay wargeyska The Athletic yidhi:”Afar qalliin oo jilibka ah ayaanu ku samaynay, aad ayay u badan yihiin.”
Waxa kale oo laacibkan u raacay dhaawacyo muruqyada ah oo iyagana uu waqtiyo u jiifay.
Ciyaartoyga saddexaad ee ay Barcelona iibinayso ayaa ah weeraryahanka reer Spain ee Ferran Torres oo sannadkii 2020 ay kasoo iibsatay Manchester City, iyadoo waliba ay Barca ku kharash garaysay £54 milyan oo Gini.
Torres ayaa beddel kusoo galay daqiiqaddii 57aad ciyaartii Atletico Madrid ee Axaddii, laakiin waxa kaadh casaan ah lagu saaray dhamaadkii markii ay garoonka ku dhax dagaallameen difaaca Atletico ee Stefan Savic.