Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Harry Maguire Ku Dhaw Yahay Inuu Aston Villa Ku Biiro Oo La Ogaaday

by Apdihakem Omer Adam
January 9, 2023
0
Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Harry Maguire Ku Dhaw Yahay Inuu Aston Villa Ku Biiro Oo La Ogaaday

Xalay ayay ahayd markii uu qarxay warka sheegaya in kabtanka Man United ee Harry Maguire uu ku dhaw yahay inuu ku biiro kooxda Aston Villa.

ADVERTISEMENT

Daafacaas ayaa Sabtidii lagu sawiray meel laga cunteeyo oo ku dhaw gegida Aston Villa taas oo dhalisay in degdeg loola xidhiidhiyo kooxdaas.

Tababare Erik Ten Hag ayaa durba isbedelo waaweyn ka sameeyay qolka labiska Man United balse haatan ma gaadhin go’aanka ah inuu 29 sano jirka ree England fasaxo isagoo u haysta ugu yaraan kaabis boosaska daafaca dhexe ah.

Saxafi Fabrizio Romano ayaa sheegay inaysan gabi ahaanba waxba ka jirin wararkii sheegayay in Maguire ku dhaw yahay Aston Villa isla markaana ay labada dhinacba beeniyeen xogtaas.

ADVERTISEMENT

Maguire ayaa eedaymo badan kula soo kulmay bandhigyadiisii Man United ee 18-kii bilood ee ugu dambeeyay balse markale isku soo muujiyay xulka England Koobkii aduunka.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

Si kastaba, Harry ayaan u dhawayn inuu jabiyo lamaanaha daafaca dhexe ee kooxdiisa ee Raphael Varane iyo Lisandro Martinez iyadoo xataa Luke Shaw haatan xulashada daafaca dhexe kaga horreeyo.

Aston Villa ayaa aad u wanaagsan tan iyo magacaabistii tababare Unai Emery iyagoo booska 11-aad ee kala sarreynta Premier League soo fadhiistay xilli ay kaalmaha lagu dhaadhaco ku jireen wakhtigii Steven Gerrard.

ADVERTISEMENT
Share290Tweet181
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.