Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Xaq Uma Laha” – Deschamps Oo Jeex-jeexay Xiddiga Ka Tirsan Xulka France Oo Illoobay Shuruucda Kubadda Cagta

by Abdiwahab Ahmed
December 5, 2022
0
“Xaq Uma Laha” – Deschamps Oo Jeex-jeexay Xiddiga Ka Tirsan Xulka France Oo Illoobay Shuruucda Kubadda Cagta

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa canaan kula dul-dhacay mid ka mid ah xiddigaha dalkiisa oo illoobay sharciga kubadda cagta, isla markaana waxyaabo mamnuuc ah lasoo galay garoonka ciyaartii xulka qaranka Poland ay 3-1 ku garaaaceen Axaddii.

ADVERTISEMENT

Didier Deschamps ayaa ka cadhooday difaaca xulkiisa ee Jules Kounde markii uu garsooraha dhexe ee ciyaartu ku amray inuu dibedda uga baxo garoonka oo uu iska saaro silsilad dahab ah oo uu qoorta ku xidhnaa, taas oo ah arrin mamnuuc ah oo aan loo ogolayn inay ciyaartoydu la yimaaddaan garoomada.

Daqiiqaddii 42aad ayuu garsoore Valenzuela Saez garoonka ka saaray laacibkan, isaga oo ku amray inuu bixiyo silsiladda qoorta ugu jirta, waxaana la arkayay iyadoo mid ka mid ah shaqaalaha tababarka xulku uu caawinayo oo uu ka furayo silsiladda.

Kounde

ADVERTISEMENT

Difaaca Barcelona ayaan ka hadal sababta uu silsiladda dahabka ah usoo xidhay iyadoo lagu jiro ciyaar dagaal ah, balse Didier Deschamps ayaa arrintan aad uga cadhooday, waxaana isaga oo la hadlayay saxaafadda ciyaarta kaddib uu yidhi: “Xaq uma laha [inuu soo xidho silsilad]. Anigu ma garanayo waxa  ugu dhax jiray silsiladda, balse waxa aan ogahay in Jules uu sameeyo waxyaabo khuraafaad ah marka uu tababarka joogo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Kounde 1

“Ma garanayo macnaha ka dambeeya, xataa waxa aan u sheegay ‘nasiib ayaad leedahay maadaama aanad aniga hortayda joogin, haddii kale waan ku….’

“Garsooruhu ciyaarta kaddib ayuu ii sheegay in aan la ogolayn in ciyaartoydu xidhaan silsilad. Sidoo kalena looma ogola inay xidhaan oo ay garoonka lasoo galaan saacado ama muraayadda indhaha ama ookiyaale.”

ADVERTISEMENT
Share403Tweet252
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.