Dhaawacyada xulka qaranka Faransiiska ayaa halkooda kasii socda, waxaana iyadoo tababare Didier Deschamps uu la murugaysan yahay Karim Benzema oo tartanka macasalaameeyey, haddana lagu wargeliyey inuu dhaawacmay ciyaartoy kale oo awoodi waayay inuu qaato tababarkii ugu dambeeyey.
Xulka qaranka France ayaa waxa hore uga dhaawacmay oo Koobka Adduunka seegay xiddigaha ay ka mid yihiin N’Golo Kante, Paul Pogba, Christopher Nkunku, Karim Benzema, Kimbembe iyo kuwo kale, haddana waxa la xaqiijiyey in laacibka da’da yar ee khadka dhexe ee Eduardo Camavinga uu dhaawacan yahay.
Warbaahinta RMC Sports ayaa sheegtay, in Camavinga uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa, isla markaana uu seegay tababarkii Axaddii ee ay iskugu diyaarinayeen kulanka Australia ee Salaasada oo ay ku wada jiraan Group D.
Tababare Didier Deschamps iyo xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ayaanu midkoodna wali si cad uga hadal dhaawaca Eduardo Camainva, hase yeeshee maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in uu Deschamps kusoo qaado shirka jaraa’id ee ka hor ciyaartan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jirto niyad-samaan badan oo ah in uu da’yarkan khadka dhexe kasoo kaban doono dhaawaca oo uu taam u noqonayo kulamada ka dambeeya ciyaarta Australia, balse xaqiiqada kama dambaysta ah ayaa waxa laga ogaan doonaa shirka jaraa’id ee maanta ee Deschamps.