Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Xaaladda Dhaawacyada Chelsea Oo Kasii Dartay & Xiddig Kale Muddo Dheer Maqnaanaya

by Abdiwahab Ahmed
January 16, 2023
0
Xaaladda Dhaawacyada Chelsea Oo Kasii Dartay & Xiddig Kale Muddo Dheer Maqnaanaya

Tababaraha Chelsea ayaa xaqiijiyey, in uu muddo dheer maqnaan doono ciyaartoy kale oo ka dhaawacmay kooxdiisa, kaas oo aanu muddo bil iyo dheeraad ah ku xisaabtami doonin.

ADVERTISEMENT

Liiska ciyaartoyda Chelsea ayaa sii dheeraanaya waxaana hore u jiifay N’Golo Kante, Wesley Fofana, Reece James Ben Chilwell, Armando Broja, Raheem Sterling, Eoudard Mendy, Christian Pulisc iyo Ruben Loftus-Cheek, waxaana hadda liiskaas ku biiray laacibka khadka dhexe ee Denis Zakaria.

Xiddigan ay Blues amaahda kaga soo qaadatay Juventus ayaa waxa soo gaadhay dhaawac muruqa ah ciyaartii Khamiistii ee Fulham, waxana uu jiifi doonaa muddo afar toddobaad ah.

Denis Zakaria oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa garoonka ka baxay daqiiqaddii 26aad, waxaana baadhitaannada lagu sameeyey ay xaqiijiyeen in aanu garoomada kusoo laaban doonin muddo afar usbuuc ah.

ADVERTISEMENT

Graham Potter oo saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Denis afar toddobaad ayuu maqnaan doonaa, taasina jug weyn bay nagu tahay.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

“Waxa aan rajaynayaa in uu si degdeg ah noogu soo laaban doono.”

Zakaria ayaa toddoba kulan u saftay Chelsea, waxaanaydhamaantood yihiin intii uu joogay tababare Grahm Potter oo usbuucyadii ugu dambeeyey kalsooni badan siinayay.

Maqnaanshaha Denis Zakaria ayaa dhibaato weyn ku ah Chelsea oo kaalinta tobnaad kaga jirta miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, isla markaana usbuuca soo socda la ciyaaraysa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, kuna jirta kaalinta sagaalaad.

ADVERTISEMENT
Share346Tweet216
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.