Daafaca dhexe ee xulka Argentina ee Christian Romero ayaa daboolka ka qaaday sababtii uu sida gaarka ah ugu hor dabaaldegay weeraryahanka France ee Kylian Mbappe Finalkii Koobka aduunka ee bishii hore.
Waxa jiray sawir aad u faafay oo muujinaya Romero oo ku hor dabaaldegaya Mbappe kaddib goolkii kulanka 3-2 ka dhigay ee uu Lionel Messi markale hoggaanka ugu dhiibay Argentina kulankaas xiisaha cajiibka ah lahaa.
Romero oo haatan u warramay D Sports Radio ayaa sheegay sababtii uu ugu qayliyay gool dhaliyihii ugu sarreeyay Koobka aduunka isagoo dhinaca kale sheegay inuu inta badan dib u daawado ciyaartaas.
“Waxaan ku qayliyay wajiga Mbappe si aan ugu dabaaldego goolkayaga, sababtoo ah Enzo (Fernandez) ayaa isaga la hadlay isaguna dhab ahaan si xun ayuu ula dhaqmay, kaddib goolkii Leo isaga wajigiisa ayaan ku dabaaldegay”
Ma cadda wakhtigii ay wada hadleen Fernandez iyo Mbappe ee uu xiddiga French-ka ahi sida xun ula dhaqmay da’yarka Benfica balse waxa ka warqabay Romero.
Mbappe ayaa kulankaas shaqsiyan qaab ciyaareedkii ugu weynaa ka sameeyay isagoo saddex gool iyo rigoore dambe la gaadhay shabaqa Argentina.