Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Wuxuu Ku Fashilmay Manchester United & Barcelona, Balse Wuxuu Kusoo Baxay Arsenal

by Abdiwahab Ahmed
November 19, 2022
0
Wuxuu Ku Fashilmay Manchester United & Barcelona, Balse Wuxuu Kusoo Baxay Arsenal

Dad badan lama socdaan qisada dhabta ah ee Gabriel Martinelli ee Manchester United iyo sidii uu ugu fashilmay tababarkii lagu tijaabiyey ee sababta u noqday in Red Devils ay dibedda usoo tuurto, ka hor intii aanu saldhigin Arsenal oo uu ka noqday xiddig weyn oo ay kubaddiisu kusoo baxday.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Brazil ee Gabriel Martinelli ayaa helay helay fursado uu kaga soo muuqdo garoomada tababarka ee kooxaha Manchester United iyo Barcelona oo uu dharkooda ku labbistay, laakiin labadaba si niyad-jab ah ayuu kaga laabtay.

21 jirkan oo hadda  ka mid ah xulka qaranka Brazil ee ku sugan waddanka Qatar ee ka  qayb-gelaya Koobka Adduunka, ayay Arsenal sannadkii 2019 kasoo iibsatay kooxda heerka afraad ee Brazil ee Ituano, iyada oo kasoo bixisay £6 milyan oo Gini.

Mikel Arteta ayaa kalsooni buuxda u muujiyey oo xilli ciyaareedkanna ka dhigay ciyaartoy aanu booskiisu muran gelin, waxaana 14 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey shan gool iyo laba uu caawiyey, taas oo keentay in lagu daro xulka qaranka Brazil.

ADVERTISEMENT

Waraysi uu siiyey warbaahinta sannadkii 2019 ayuu ku sheegay inuu tegay garoomada tababarka Manchester United iyo sidoo kale Barcelona, waxaanu yidhi: “Waxa tijaabo ku tegay Manchester United, balse iima shaqayn, afar ama shan jeer ayaan tababarka la qaatay. Waxa joogay ciyaartooyo reer Brazil oo aan arkay, waxayna la kulmeen aabbahay si aan u joogo.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

“Ciiyaartoyda aan Manchester United kula kulmay waxa ka mid ahaa Paul Pogba iyo Zltan Ibrahimovic, waxay ahayd markii saddexaad ama afraad ee aan isku dayay. Waxa aan ahaa 17 jir markii ugu dambaysay ee aan tegay Manchester, kaddibna waxa aan ku laabtay Brazil markii ay ii shaqayn weyday.”

Gabriel Martinelli waxa sidoo kale uu tababarka la qaatay ciyaartoyda da’yarta Barcelona oo uu ugu tegay kulliyadda La Masia, waxaana ciyaartoyda ay tababarka wada qaateen ka  mid ahaa Ansu Fati muddo 15 maalmood ahayd oo uu joogay Spain.

ADVERTISEMENT
Share419Tweet262
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.