Khadka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka France ee Adrien Rabiot ayaa shaaca ka qaaday hal arrin oo uu kaga cadhoodo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Kylian Mbappe.
Labada xiddig ayaa kamid ahaa ciyaartoydii France ka caawiyay inay markii labaad oo xidhiidh ah Finalka Koobka aduunka gaadheen.
Rabiot oo dhawaan la hadlay La Media Carre ayaa sheegay in Mbappe marka ay caadi u wada sheekaysanayaan uu si caadi ah ula hadlo balse marka uu waraysi bixinayo ee saxaafada horjoogo codka bedelo taasina uusan jeclaysan.
“Kylian Mbappe dhab ahaan aniga wuu iga cadhaysiiyaa marka uu codkiisa bedelo xilliga uu bixinayo waraysiyada. Marka uu dhammaantayo nala hadlayo si caadi ah ayuu u hadlaa kaddib waraysiga codkiisa wuu bedelaa gabi ahaanba”.
“Ma garanayo sababta uu sidaas u sameeyo, waa wax laga cadhoodo, dhab ahaan aniga wuu i cadho galiyaa, waxaan filayaa in qofkastaa uu ka hadlo”.