Xiddiga Paris Saint-Germain Achraf Hakimi ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah xiddigaha ugu geesisan kubada cagta abid, madaama rigooradii uu ku xaqiijiyay guusha dalkiisa Morocco ay aheyd rigooda Panenka oo uusan ciyaaryahan walba sameyn karin iskaba daa inay ku xiran tahay rajada xulkiisa ee Koobka Adduunka.
Hakimi ayaa dhaliyay rigoorada Panenka midii ugu deganeyd isagoo Morocco u soo saaray wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka oo ay ku sugayaan midkood Switzerland ama Portugal.
Achraf Hakimi wuxuu ku dhashay dalka Spain halkaas ayuuna ku soo barbaaray, wuxuu kubada cagta ku bartay Spain isagoo ku soo koray akadeemiga Real Madrid.
Laakiin wuxuu Spain ka doortay dalka waalidkiis ee Morocco, wuxuuna maanta wadankii uu ku dhashay kuna koray ka reebay Koobka Adduunka isagoo diyaarada ku hubsaday.
Inkastoo goolhaye Bono uu yahay geesiga Morocco madaama uu seddexda rigooraba ka badbaadiyay Spain hadana waxaa si weyn loo hadal hayaa Achraf Hakimi.
Saaxiibkiisa ay aad isagu dhowr yihiin ee kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa xitaa u dabaaldegay guusha xulka Morocco iyo rigooradii Panenka ee uu dhaliyay Hakimi.
Kylian Mbappe ayaa durbadiiba ay ciyaarta dhamaatay wuxuu Twitter soo dhigay sawirkaan iyo emoji la socda:
🇲🇦👑🫶🏽… @AchrafHakimi pic.twitter.com/fDCyfMI7LM
— Kylian Mbappé (@KMbappe) December 6, 2022
Mbappe ayaa sawirka isaga iyo Hakimi wuxuu soo raaciyay calanka Morocco, taajka boqorka iyo astaanta jaceylka madaama ay yihiin saaxiibo aad isagu dhow.
Wuxuu sidoo kale Twitter ku soo qoray magaca Achraf Hakimi durbadii ay ciyaarta dhamaatay isagoo soo raaciyay shimbirta Penguin-ta loo yaqaano madaama Hakimi uu u dabaaldegay sida shimbirtaas markii uu gool ku laadka dhaliyay.
ACHRAF HAKIMI. 🐧🫶🏽👑
— Kylian Mbappé (@KMbappe) December 6, 2022