Barcelona ayaa kulanka muhiimka ah ee Finalka Spanish Supecopa caawa waayi karta daafaca halbawlaha u ah ee Ronald Araujo oo kamida xiddigaha uu sida weyn ugu tashanayo macalin Xavi Hernandez.
Daafaca ree Uruguay ayaa kaddib koobka aduunka kasoo laabtay dhaawac uu in mudo ah garoomada kaga maqnaa.
Waxa uu dhammaystay kulankii afar dhammaadka Supercopa ee Real Betis ay rigoorayaasha kaga soo baxeen waxaana la filayay inuu caawa markale shaxda Xavi kasoo muuqdo.
Wali ma jiro wax dhaawac ah oo cadi balse wargeyska Marca ayaa baahiyay warka werwerka leh ee ah in Ronald uu ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyay ee Barcelona sidoo kalena uu isagu tababar gaar ah oo fudud qaatay.
Xavi ayaa la filayaa inuu sugo ilaa daqiiqada ugu dambaysa si uu go’aan uga gaadho Araujo oo la filayo inuu daafaca midig ka ciyaaro caawa.
Araujo ayaa ah hubka ugu weyn ee ay Barca u adeegsato Vinicius Jr iyagoo garabka Real Madrid markale caawa kahor gayn kara daafacooda.