Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa bisha Januaary lumin doonta mid ka mid ah weeraryahannadeeda halista ah ee qaybta weyn kasoo qaatay guulihii ay Kooxdaasi gaadhay lixdii sannadood ee ugu dambeeyey.
Tababare Jurgen Klopp ayaa la sheegay inuu ka quustay inuu ku qanciyo weeraryahanka Brazil ee Roberto Firmino inuu sii joogo Anfield oo uu heshiis cusub saxeexo, waxaana uu xiddiga Brazil doortay inuu iskaga tago Anfield bisha January ee foodda inagu soo haysa, haddii kalena uu si xor ah ku bixi doono xagaaga.
Roberto Firmino oo xilli ciyaareedkan bandhig fiican ka samaynayay garoomada, ayaa waxa uu ka cadhaysan yahay in xilli ciyaareedkii hore uu inta badan kaydka ku qaatay iyadoo laga doorbiday Mohamed Salah, Luis Diaz, Sadio Mane oo xagaagii tegay Bayern Munich iyo Diogo Jota.
Reds oo ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, isla markaana 15 dhibcood ka dambaysa Arsenal oo hoggaanka haysa ayaa waxa ku habsaday dhaawacyo tiro badan xilli ciyaareedkan, waxaana mar kale qalliin galay Luis Diaz oo maqnaan doona saddex bilood iyadoo uu horena uga maqnaa garoomada illaa bishii October.
Wargeyska Liverpool Echo ayaa sheegay in Liverpool ay ogolaan doonto inay bisha January lacag jaban ku iibiso Roberto Firmino si aanu qaab xor ah ugaga tegin dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin kalidii ma aha, waxaanay Reds doonaysaa in sidoo kale ay iibiso Naby Keita iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo qandaraasyadoodu ku egyihiin June 2023.
Diogo Jota oo la filayo inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa kaddib dhaawac uu ku seegay Koobka Adduunka ayaa la filayaa inuu weerarka dhexe ka haysto Roberto Firmino, iyadoo sidoo kalena uu Darwin Nunez kasii dheeli doono garabka bidix inta uu soo laabanayo Luis Diaz.
Si kastaba, mushkiladda ugu weyn ee Jurgen Klopp haysata ma aha weerarka, waxayse ka wiiqan yihiin khadka dhexe oo ah halka ay xilli ciyaareedkan ka dhibaatoonayaan, waxaana lala xidhiidhinayaa Jude Bellingham iyo Konrad Laimer.