Manchester United ayaa Benfica wax ka weydiin doonta haddii la heli karo Goncalo Ramos walow maamulka Manchester u sheegeen tababare Erik Ten Hag inaysan hubin inay weeraryahan la saxeexan doonaan suuqa January. (ESPN)
Chelsea ayaan qorshaynayn inay suuqa January usoo hormariso qorshaha ay Nkunku kagala saxeexanayaan RB Leipzig xagaaga dambe walow uu dhaawac mudo dheer ahi gaadhay da’yarka weerarka Blues ee Armando Broja. (Fabrizio Romano, via CaughtOffside)
Waxa jirta suurogalnimo weyn oo weeraryahan Dusan Vlahovic kaga tagi karo Juventus suuqa January, Chelsea ayaa kamida kooxaha xiisaynaya oo wakiilkiisa la xidhiidhay. (Ben Jacobs, Twitter)
Chelsea ayaa Man United iyo Liverpool tartan kagala kulmaysa saxeexa 18 sano jirka weerarka Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo. (Times)
Borussia Dortmund ayaa rajaynaysa in xidhiidhka Youssoufa Moukoko kala dhaxeeya tababare Edin Terzic uu sababi karo inuu heshiis kordhin ku qanco xilli kooxo Spanish iyo English ahi qorshaynayaan inay saxeexiisa u dhaqaaqaan January. (Fabrizio Romano, Twitter)
Real Madrid ayaa xiisaynaysa Cody Gakpo oo PSV ka tirsan si uu bedel ugu noqdo weeraryahan Karim Benzema. (AS – in Spanish)
England tababaraheeda Southgate ayaa la filayaa inuu xidhiidhka kubadda cagta England la sameeyo wadahadalo horraanta 2023 xilli laga codsan doono inuu go’aan deg-deg ah ka gaadho mustaqbalkiisa xulkaas. (Mail)
Leicester City ayaa diyaar u ah inay 45 Milyan oo euro ka bixiso khadka dhexe ee kooxda Angers iyo xulka Morocco ee Azzedine Ounahi oo ay sidoo kale Barcelona daawanayso. (L’Equipe – in French)
Morocco khadkeeda dhexe ee Sofyan Amrabat ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in lala xidhiidhiyo kooxo badan oo waaweyn kaddib wacdaraha uu koobka aduunka ka dhigayo xilli ay macquul tahay inuu ka hayaamo kooxdiisa Fiorentina. (90 Min)
Joao Felix ayaa loo bandhigay saxeexiisa kooxo Premier League ah xilli uu Atletico Madrid ka tagi karo suuqa January, Arsenal, Man City, Man United iyo Aston Villa ayaa dhammaantood macquul ah. (Mail)
Manchester United iyo Arsenal ayaa u muuqda kooxaha ay u badantahay in Joao Felix ka dego xilli Atletico Madrid dhagaysan doonto dalabaadka 100ka Milyan ee euro ka badan ee laga soo gudbiyo. (AS – in Spanish)
Manchester United tababaraheeda Erik Ten Hag ayaa loo ballanqaaday lacag badan oo uu kooxda dib ugu dhiso walow qoyska Glazer Family ay iibinayaan Red Devils. (Sun)
Manchester United ayaa haatan ka shaqaynaysa saxeexa daafaca midig ee Inter Milan ee Denzel Dumfries taas oo wadada u xaadhaysa inay Barcelona ka hesho Diogo Dalot. (Sport – in Spanish)
Manchester United ayaa isha ku haysa tiro daafacyo midig ah balse inay u dhaqaaqdo ayaa ku xidhnaan doonta haddii uu kooxda ka tago Aaron Wan-Bissaka. (Sky Sports)
Liverpool bartilmaameedkeeda Enzo Fernandez kama tagi doono Benfica ilaa kooxda xiisaynaysaa ka bixiso 120-ka Milyan ee euro ee heshiiskiisa lagu jabin karo. (90min)
Fulham ayaa suuqa January doonaysa daafaca midig ee Arsenal ee Cedris Soares. (Sky Sports)
Arsenal ayaa markale suuqa January isku dayi doonta saxeexa khadka dhexe ee Leicester City ee Youri Tielemans balse waxa ka suurogalnimo badan inay xagaaga u dhaqaaqaan marka heshiiskiisa Foxes dhaco. (90min)
Daafaca ree Brazil ee Luizao ayaa gaadhay England isagoo heshiis xor ah ugu biiraya West Ham United. (Mail)
Ajax ayaa ogolaatay in daafaceeda bidix ee Daley Blind uu kooxda bilaash kaga tago suuqa January. (De Telegraaf – in Dutch)
Garabka weerar ee ree England ee Samuel Iling-Junior ayaa heshiis kordhin afar sano ah la gaadhay Juventus xilli heshiiskiisii hore xagaaga ku ekaa. (Gianluca di Marzio)
Barcelona ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee Boca Juniors ee Alan Varela balse Ajax iyo Benfica ayaa dhinacooda ku jiray wadahadalo ay ku doonayaan xiddigaas oo 15 Milyan oo euro lagu heli karo. (Sport – in Spanish)
Bayern Munich ayaa ku jirta wadahadalo ay Alexander Nubel dib ugaga soo celinayso Monaco si uu bedel ugu noqdo goolhayaha ka dhaawacmay ee Manuel Neuer. (Sky Sport Germany)