Halyeyga reer England ee Wayne Rooney ayaa usoo jeediyey tababare Gareth Southgate inuu saddex isbeddel ku sameeyo xulkiisa ciyaarta Wales, si ay guul ugu soo xidhan karaan wareegga group-yada oo ay ugu gudbaan wareegga 16ka Koobka Adduunka.
England ayaa ciyaarteedii koowaad ee Koobka Adduunka waxay 6-2 ku garaacday Iran, hase yeeshee waxay Jimcihii barbarro goolal la’aan ah la galeen Maraykanka oo ka ciyaar fiicnaa.
Gareth Soughgte ayuu xulkiisu kaalinta koowaad kaga jira Group B, hase yeeshee haddii ay guuleysan waayaan ciyaarta Wales, isla markaana Iran ka adkaato Maraykanka, waxay u dhici doonaan kaalinta labaad ee hormadan, taas oo halis ku gelin karta inay wareegga 16ka isku dhacaan Holland oo Group A hoggaaminaysa.
Wayne Rooney ayaa se rumaysan in loo baahan yahay in Gareth Southgate uu isbeddel sameeyo habeenka Salaasada ee ay xulka Wales la ciyaaarayaan, waxaanu usoo jeediyey in uu kaydka u diro laba ciyaartoy oo uu keeno laba soo nastay oo maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayay.
Kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayuu Wayne Rooney soo jeediyey in la nasiyo, sidoo kalena waxa uu u sheegay Gareth Southgate inuu kaydka dhigo Mason Mount, isla markaana kusoo bilaabo Phil Foden.
“Ciyaartii England ee Jimcihii ma ahayn mid fiican, waxay u baahan doonaan inay si habboon u dheelaan si ay u helaan fursad ay ugu guuleysan karaan Koobka Adduunka.” Ayuu yidhi Wayne Rooney.
Waxa uu intaa raaciyey: “Gareth Southgate waxa uu u baahan yahay inuu isbeddello sameeyo ciyaarta Salaasada ee Wales, inkasta oo ay mucjiso noqon doonto in ay soo bixi waayaan.
“Waa inuu kusoo bilaabo Phil Foden. Layaab ayay igu tahay in aanu Foden beddel ku imanin kulankii Maraykanka. Waa inuu kusoo bilaabo ciyaarta Wales oo uu dhinaca bidix tago, lana tartamo Bukayo Saka iyo Raheem Sterling.
“Waa in sidoo kale uu fadhiisiyo Mason Mount oo uu keeno Kalvin Phillips haddii kalena Jordan Henderson. Sidoo kale waa in uu nasiyo Harry Kane.”