Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka walaacsan xaaladda dhaawaca laacibka ku dhibaatoonaya Old Trafford ee Donny van de Beek oo dhaawac culus uu kasoo gaadhay kulankii Bournemouth oo kusoo bilaabasho dhif ah uu siiyey tababare Erik ten Hag.
Red Devils ayaa 3-0 ku garaacday Bournemouth oo marti ugu ahayd Old Trafford laakiin waxa guushan hadhaysan murugada dhaawaca Donny van de Beek oo la sheegay in ay suurtogal tahay in dhaawaciisu uu noqdo jilibka oo liicay oo ay jabeen lafaha dhinacyada iyo carjawdu (ACL).
Inkasta oo uu garoonka ka baxay isaga oo lugihiisa ku socda laakiin ooyayay, waxay Manchester United u qabatay in xogta dhaawaciisa oo faahfaahsan ay warbaahinta usoo gudbin doonto 24 saacadood kaddib, markaas oo ay soo dhamaan doonaan baadhitaannada hordhaca ah ee lagu samayn doono.
Sawirro laga qaaday sidii uu dhaawacu ku yimid ayaa waxa uu u muuqanayaa inuu jilibka dhaawac culus kasoo gaadhay, nooca dhaawaciisuna yahay ACL oo muddo sannad iyo dheeraad ah lagu maqnaado.
Dr. Rajpal Brar oo dhakhtar daaweynta muruqyada takhasus ku ah ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in dhaawaca Van de Beek aanu noqonin ee ACL, balse ay noqon karaan in ay seedaha oo kali ahi wax noqdeen amaba carjawda jilibka ee hore wax noqotay sidoo kalena ay dhici karto in wuxuba is-raaceen.
Dhakhtarka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegayy in waxa ugu weyn ee uu ka baqayo in laacibkan uu dhaawaciisu noqdo ay tahay ACL oo soo afjari karta mustaqbalkiisa Old Trafford ee marka horeba mugdigu ku jiray.
Haddii dhaawacu uu noqdo sida uu Dr. Brar ka cabsi-qabo, waxay noqon doontaa in qalliin lagu sameeyo Van de Beek, xilli ciyaareedkan socda iyo midka soo socdana uu intooda badan ka maqnaado.
Van de Beek ayay u ahayd ciyaartii labaad ee Premier League ah ee uu Manchester United ugu soo bilowdo xilli ciyaareedkan.