Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay arrinta Cristiano Ronaldo oo dhawaan bixiyay waraysi uu si weyn ugu dhaliilay isaga iyo kooxdaba.
Waraysi 90 daqiiqo ah oo uu siiyay saxafi Piers Morgan ayuu Cristiano si aan gabasho lahayn ugu sheegay inuusan gabi ahaanba wax ixtiraam ah u hayn tababaraha Dutch-ka ah halka uu sidoo kale qalabka kooxda iyo mulkiilayaasheeda wax badan ka sheegay.
Ten Hag ayaan Ronaldo wax xidhiidh ah la samayn kaddib waraysigaas uu bixiyay wuxuuna haatan sheegay in 37 sano jirkaasi isagana marnaba shaqsigan ugu sheegin inuu bixitaan doonayo.
Erik ayaa sheegay in isla markii uu waraysiga bixiyay ay wax iska cad ahayd inuu kooxda ka baxo balse uu isagu markii hore doonayay inuu Old Trafford lasii joogo.
“Waxaan filayaa inay aad u cadayd in kaddib (Waraysiga) ay tahay inuu tago. Waxaan filayaa inaysan ahaynba inaanu ka wada hadalno midaas aniga, Richard Arnold iyo John Murtough” ayuu yidhi ETH.
“Haa (Waan daawaday waraysiga) maya dhammaantiiba balse intiisa badan, way ahayd inaan daawado, waa qayb kamida shaqadayda”
“Waxaan filayaa in kooxdu kaliya mid guuleysata noqoto marka dhammaan kuwa go’aamadeeda gaadhaa ay isku hal safxad (Bog) joogaan oo uu midkoodba midka kale taageero, sidaasi waa sida kaliya ee kooxdu mid guuleysata ku noqon karto ee ku shaqayn karto”.
“Waxaan doonayay in isagu joogo min daqiiqadii koowaad ilaa haatan. Isagu wuxuu doonayay inuu baxo, aad ayay u caddayd, marka uusan ciyaartoy doonayn inuu kooxdan joogana waa inuu baxo, way caddahay”.
Lionel Messi waa 35 jir welina wuxuu ciyaarayaa kulamada heerka ugu sarreeya 🤩