Hector Bellerin ayaa daboolka ka qaaday bahdilaadda uu kala kulmay Barcelona oo uu heshiis sannad ah u saxeexay xagaagii kaddib markii uu iskaga tegay Arsenal oo uu burburiyey heshiiskii uu kula jiray, waxaase uu la kulmay wax aanufilayn.
27 jirkan ayaa sheegay in Barcelona ay siiso lacagta canshuurta oo kale, isla markaana aanay siinin wax mushahar lagu tilmaami karo.
Hector Bellerin ayaa qirtay inuu aad uga shallaynayo inuu ka tegay Arsenal, isla markaaan aanu wax caddaalad ah ku helin kooxdii uu tegay oo markii horeba uu ka ogolaaday wax aanay ahayn inuu aqbalo oo aanay cidina qaadan karayn.
Bellerin ayaa waxa uu sheegay in sannadka dhan uu mushahar u qaadanayo £440,000 Gini, taas oo ka dhigan in toddobaadkii uu qaadanayo £8,500 ini, halka Frenkie de Jong uu toddobaadkii u xaadiro lacag gaadhaysa £600,000 Gini.
Mushaharka hal toddobaad ayaa ka badan inta uu Hector Bellerin sannadka qaadanayo, sidoo kalena Robert Lewandowski ayaa u dhow inuu hal toddobaad ku gaadho Bellerin, waxaana uu weeraryahanka reer Poland u xaadiraa £300,000 Gini toddobaadkii.
Hector Bellerein ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Ara, waxa uu ku yidhi: “Waxa aan u saxeexay Barcelona heshiis 500,000 Euro ah. Maalmahan dambe, waxa walaac igu haysa sidii aan u ciyaari lahaa kubadda cagta aniga oo heerka u sarreeya ah.
“Nasiib ayaan leeyahay in aan sannado badan heerka ugu sarreeya u ciyaarayay, xaaladdayda dhaqaalena way iska deggen tahay taas ayaana ii ogolaanaysay in aan iska faraxsanaado.”
Hadalka Hector Bellerin ayaa imanaya laba toddobaad kaddib markii uu Sergi Roberto sheegay in Barcelona ay siiso mushaharka carruurta oo kale, kaddib markii uu xagaagii u saxeexay heshiis sannad ah.