Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

“Waxoodu Saaxiibtinimo Wuu Ka Badan Yahay” – Tababaraha Xulka Morocco Oo Ka Hadlay Isku-dhowaanshaha Kylian Mbappe Iyo Achraf Hakimi

by Abdiwahab Ahmed
January 10, 2023
0
“Waxoodu Saaxiibtinimo Wuu Ka Badan Yahay” – Tababaraha Xulka Morocco Oo Ka Hadlay Isku-dhowaanshaha Kylian Mbappe Iyo Achraf Hakimi

Tababaraha xulka qaranka Morocco ee Walid Regragui ayaa ka hadlay saaxiibtinimada u dhaxaysa xiddigaha Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyo Achraf Hakimi oo ka mid ah ciyaartoyda iskugu dhow ee sannadihii ugu dambeeyey lagu arkay garoomada.

ADVERTISEMENT

Labadan ciyaartoy ayaa iska hor yimid semi-finalkii Koobka Adduunka iyaga oo kala hoggaaminaya xulalkooda Morocco iyo Faransiiska, waxaanay libintu 2-0 ku raacday Faransiiska iyadoo Morocco ay taariikhda gashay oo ay noqotay waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan iyo Carab ah ee soo gaadha nus-dhamaadka Koobka Adduunka.

Ciyaartii Atlas Lions iyo Les Bleus ayaa markii ay dhamaatay ciyaartoodii semi-finalka Koobka Adduunka, waxa garoonka dhaxdiisa iskugu yimid Mbappe iyo Hakimi oo garamaha kala beddeshay, ciyaarrta ka horna waxay isku direen farriimo ay iskugu hambalyeynayaan markii ay dalalkoodu soo gaadheen wareegga afar-dhamaadka.

Walid Regragui oo ah tababaraha xulka Morocco ayaa wax laga weydiiyey xidhiidhka ka dhexeeya Kylian Mbappe iyo Achraf Hakimi, waxaanu ku jawaabay: “Xidhiidhkoodu wuu ka weyn yahay saaxiibtinimo. Waa walaalo. Waxa aan ku idhi Achraf intii uu socday Koobka Adduunku: ‘waxa aad la ciyaaraysaa saaxiibkaa’. Waxa uu iigu jawaabay, ‘Ciyaarta dhaxdeeda ma jirayso saaxiibtinimo.’ Waxa uu ahaa tartame wanaagsan ciyaartaas.”

ADVERTISEMENT

Achraf Hakimi ayaa PSG ku biiray sannadkii 2021 oo ay kooxda reer France kasoo iibsatay Inter Milan, halkaas ayaanayksoo bilaabantay saaxiibtinimada Mbappe iyo Hakimi. Illaa hadda waxa uu Hakimi u saftay PSG 64 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey toddoba gool iyo sagaal kale oo uu caawiye ka noqday.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Mbappe ayaa isaguna  PSG waxa uu sannadkii 2017 kaga soo biiray AS Monaco, waxaana 239 ciyaarood oo uu u dheelay uu u dhaliyey 191 gool iyo 93 kale oo uu caawiye uga noqday.

ADVERTISEMENT
Share372Tweet233
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.