Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xiddigaha kooxdiisa farriin u diray kahor soo laabashada xilli ciyaareedka oo mudo hakad ugu jiray sababta Koobka aduunka Qatar ka dhacayay.
Arsenal ayaa qaabkii ugu fiicnaa ku bilaabatay qaybtii hore ee xilli ciyaareedka iyagoo ku dhammaystay xilli ay shan dhibcood hoggaanka kaga hayeen kooxda booska labaad ee Manchester City.
Arsenal ayaa caawa xilli ciyaareedka dib u bilaabanaysa kulan ay West Ham United kusoo dhawayn doonto Emirates Stadium.
Mikel oo xiddigihiisa farriin u diray kahor kulanka caawa ayaa u sheegay sida ay u ogyihiin muhiimada in qaab xoogan lagu bilawdo iyo inay tahay inay ka faa’idaystaan.
“Waxaanu u baahanahay inaanu sidaas ka samayno garoonka dhexdiisa (Bilaw fiican), in badan ayaanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Arteta.
“Waanu ognahay muhiimada in si xoogan lagu bilawdo waxaananu ku ciyaaraynaa garoonkayaga. Waa maalin aad khaas ugu ah taariikhda Premier League (Boxin Day – Maanta), waa maalin qoys oo aad u khaas ah oo kubad la ciyaaro, jawi cajiib ah ayay leedahay maalintaasi waxaananu doonaynaa inaanu inta ugu badan ka samayno”.
Arteta oo la weydiiyay kulanka uu ugu jecel yahay bandhigiisa 14-kii kulan ee ay soo dheeleen ayaa sheegay inuu si guud uga helay joogtaynta safkiisa da’da yar.