“Waxaan U Arkaa Kuwo Horyaalka U Tartamaya….” – Rodri Oo Doortay Kooxda Tartanka PL Kula Jirta Man City Kaddib Hoos U Dhaca Liverpool

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Rodrigo Hernandez ayaa doortay kooxda uu u arko mida kula tartami karta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kaddib hoos u dhac ku yimid kooxdii tartanka adagi kala dhaxeeyay ee Liverpool.

City ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay qaab wanaagsan iyaga oo shan guulood iyo laba barbardhac kasoo helay toddobadii kulan ee ugu dambeeyay halka Liverpool kaliya sagaal dhibcood kasoo heshay lix kulan oo ay ka ciyaartay Premier League.

Rodri ayaa sheegay inuu wax yar la yaabay hoos u dhaca Liverpool balse uu ku sababeeyay inuu horyaalku sidaas yahay oo aan lagu sugayn inaad in yar gaabiso.

Advertisements

“Kaliya kala badh (Ayaan la yaabay hoos u dhaca Liverpool), heerka Premier League waa mid aad u sarreeya kaas oo isla marka aad gaabiso aad dhibco luminayso. Liverpool xaalad qas ah kuma jirto ee waa kuwo intii hore ka soosaar yar Premier League-na kuuma ogolaanayo inaad nasato” ayuu La Gazzetta dello Sport u sheegay Rodri.

Dhinaca kale Rodri ayaa kooxda tababare Antonio Conte ee Tottenham ku sheegay mida uu u arko inay horyaalka u tartamayso xilli Spurs dhinacooda iyaguna wali guuldarro la’aan yihiin xilli ciyaareedka kulamada Premier League.

“Waxay isku keeneen saf wanaagsan waxayna haystaan tababare leh aragtiyo aad u cad cad oo garanaya sida si fiican looga shaqaysiiyo”.

“Way garanayaan waxay tahay inay qabtaan waxayna ku qabtaan saxsanaan weyn. Waxaan Spurs u arkaa murashaxiin horyaalka ah, waayaha ciyaareed ee Conte waa mid iskii u hadlaya”.

Advertisements

7 Fekradood

  1. Hhhhhhh wxn la yaabay wiilkan yar ee ismoodey in Liverpool ay tartanka ka hadhey yaa u sheega in horyaalka bisha may laqaado Liverpool 9 cayaaryahan baa ka dhaawacan 32 game baa hadhsam yaaan lagaa waayin jawaab

  2. Wiil yar baad taheye waxa is moodey in Liverpool horyaalka ka hadhey yaa is gaadhey horyaalka bisha may buu dhamaadaa jawaab yaan lagaa waayin

  3. Is dajiya fikirkiisa uunbuu ka hadlee rodri ee adna fikirkaaga uun ka hadal city yaa kula tartami kara horyaalka ayaa meesha taal ma arsenal mise Tottenham mise liverbool

    • Tottenham waa koox tayale sanadkan
      Awooda ad ku sheegtayna way leeyihiin tababare profional ahna way haystaan lakin ogow waxan waa looga khibrad badan yahay
      Waxaan kutusi doonaa wali koox wayn kamayn hor imanine sabtida ayay soo bixi inay tartamikarto iyo inkale
      Waa tijabadii kobad aymari donto
      Afkala qaad yuunkaasoo hadhin rodri yow baldawo intayn mun united kuhelinkahor adiga awooda sheeganayo
      Kolay intaas waan kugu dari sanadkan
      Koobka waa dhinaca london taasna hakaa dhaadhacsanato arsenal hanolato

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada