“Waxa Uu Leeyahay Tayo Aan La Rumaysan Karin, Goolal Ayuu Dhalin Karaa, Waanu Caawain Karaa – Waa Ciyaartoy Aan Danayste Ahayn” – Bukayo Saka Oo Magacaabay Xiddiga Uu Jeclaan Lahaa Inuu Ka Garab Ciyaaro

Xiddiga da’da yar ee Arsenal ee Bukayo Saka ayaa soo bandhigay sida uu u jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro xiddiga Paris Saint-Germain ee Lionel Messi oo uu ku tilmaamay mid leh tayooyin cajaiib ah oo aan la malayn karin, xilli uu ka jawaabayay su’aal la weydiiyey oo ahayd in uu sheego ciyaartoyga uu dooran lahaa in uu la wadaago qolka labbiska.

Lionel Messi ayaa isaguna hore ugu tilmaamay Bukayo Saka in uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan ee jiilka cusub ee usoo kacaya kubadda cagta.

Xiddiga reer Argentina ee toddobada jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa qolka labbiska lasoo wadaagay ciyaartooyo waaweyn sida Neymar, Luis Suarez, Xavi, Eto’o, Thierry Henry, Ibrahimovich iyo Ronaldinho, waxaana Bukayo Saka uu soo bandhigay sida uu isaguna  u jeclaan lahaa in ay isku koox u ciyaaraan Messi.

Advertisements

Saka oo hor tegay shir jaraa’id oo ay su’aalo ku weydiinayeen carruur yaryar, ayaa la weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan jeclaan lahaa Lionel Messi. Waxa uu leeyahay tayo aan la rumaysan karin, goolal ayuu dhalin karaa, waanu caawiyaa, mana aha ciyaartoy danayste ah, waa laacib la ciyaara kooxdiisa, markaa isaga ayaan dooran lahaa.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada