Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Waxa Uu Ka Mid Yahay Tababareyaashii Ugu Wanaagsanaa Ee Abid Aan Arko” – Neymar Jr Oo Qoraal Qiiro Leh Ku Sagootiyey Macallinkiisii Is-casilay

by Abdiwahab Ahmed
December 14, 2022
0
“Waxa Uu Ka Mid Yahay Tababareyaashii Ugu Wanaagsanaa Ee Abid Aan Arko” – Neymar Jr Oo Qoraal Qiiro Leh Ku Sagootiyey Macallinkiisii Is-casilay

Xiddiga Brazil ee Neymar ayaa farriin qiiro leh ku sagootiyey tababare Tite oo iska casilay shaqada xulka qaranka Brazil kaddib markii uu dalkaasii wareegga siddeedda kaga hadhay Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Brazil ayaa waxa rikoodheyaal 4-2 ah ku garaacday Croatia oo iyagana xalay ay tartanka ka saartay Argentina, waxaanay taasi keentay in tababare Tite uu si degdeg ah u shaaciyo inuu iska casilay xulka Brazil ee uu soo maamulayay tan iyo June 2016.  Muddadii uu tababaraha u ahaa, Brazil ayaa ciyaartay 81 kulan oo ay guuleysteen 61 ka mid ah, 13 kalena ay barbarro galeen. Waxa uu sidoo kale u qaaday Copa America 2016.

Neymar oo 54 ciyaarood u saftay xulkiisa Brazil intii uu Tite tababaraha u ahaa, isla maarkaana dhaliyey 31 gool iyo 30 kale oo uu caawiye ka noqday ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram waxauu ku macasalaameeyey Tite, isaga oo yidhi: “Ka hor intii aynaan si shaqsi ah u kulmin, waxaynu iska hor nimid marar badan [Tite oo tababare u ah koox kale ayuu Neymar ka  hor tegay], waad iga cadhaysiin jirtay sababtoo ah waxa aad kooxdaada ka dhigi jirtay mid aniga i ilaalisa, wax walbana waad u samayn jirtay si aad ii garaacdaan.

“Waan ogaa in aad tahay tababare aad u wanaagsan, laakiin waxa aan hadda ogahay in aad sidoo kale tahay shaqsi fiican. Waad garanaysaa qofka aan ahay, taas ayaana macne weyn ii ah.

ADVERTISEMENT

“Waad ku mahadsan tahay wax kasta oo aad qabatay, iyo wax kasta oo aad na bartay. Waxa aad mar walba ka mid ahaan doontaa tababareyaashii ugu wanaagsanaa ee aan abid arko.”

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
ADVERTISEMENT
Share262Tweet164
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.