Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Waxa Aan Joogay Dhakhtar Ilkaha Ah Markii La Iigu Yeedhay Koobka Adduunka”

by Abdiwahab Ahmed
November 19, 2022
0
“Waxa Aan Joogay Dhakhtar Ilkaha Ah Markii La Iigu Yeedhay Koobka Adduunka”

Marnaba niyaddiisa kuma jirin inuu tegayo waddanka Qatar oo uu xulka qarankiisa ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka uu ka mid noqonayo, hase yeeshee si lama filaan ah ayuu uga war helay iyadoo la raadinayo si loogu sheego in ciyaartoy dhaawacmay booskiisa lagu beddelayo.

ADVERTISEMENT

Xulka qaranka Argentina ayaa waxa ka dhaawacmay Joaquim Correa iyo Nico Gonzalez oo kusoo baxay liiskii hore ee rasmiga ahaa ee tababare Lionel Scaloni soo saaray, waxaana qasab noqotay in labadoodaba laga saaro iyadoo Thiago Almada loogu yeedhay inuu galo booska Angel Correa.

Thiago Almada ayaa waqtigii uu nasiibkiisu soo baxay ee Koobka Adduunka loogu yeedhayay waxa uu ku jiray xaalad aan marnaba niyaddiisu la xidhiidhin ciyaaraha, waxaanu ku sugnaa dhakhtar ilkaha ah, balse waxa uu helay telefoon loogu sheegayo in lagu daray xulka dalkiisa Argentina.

Saxaafadda ayaa Thiago Almada weydiisay halkii uu ku sugnaa waqtigii uu ogaaday in lagu daray xulka dalkiisa, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan ku sugnaa dhakhtar ilkaha ah markii ay soo waceen ee ay igu yidhaahdeen, ‘waxa aad tegaysaa Koobka Adduunka’. Waxay ahayd farxad degdeg ah, diyaar ayaanan u ahay in ku kordhiyo xulkayga wax kasta oo karaankayga ah.”

Angel Correa oo u ciyaara Atletico Madrid  kana mid ahaa xiddigihii xulka Argentina ee ku guuleystay Copa America sannadkii hore ee 2021, ayuu Scaloni ka saaray liiska markii ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in aanu taam noqonayn, waxaana fursaddaas ka faa’iidaystay Thiago Almada.

Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka Argentina ayaa ku ducaysanaya in Cristian Romero iyo Papu Gomez ay taam noqdaan kaddib markii ay ka maqnaadeen Jimcihii iyadoo sidoo kalena uu liiska maqaneyaasha kula jiray Lionel Messi.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share409Tweet256
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.