Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Waxa Aan Doonayaa Lionel Messi Oo Ooyaya!!” – Weeraryahankii Hore Ee Brazil Oo Ku Maadsanaya Lionel Messi

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
“Waxa Aan Doonayaa Lionel Messi Oo Ooyaya!!” – Weeraryahankii Hore Ee Brazil Oo Ku Maadsanaya Lionel Messi

Weeraryahankii hore ee Brazil ee Fred ayaa qirtay in waxa ugu weyn ee uu doonayo ay tahay in ay indhihiisu qabtaan Lionel Messi oo ooyaya, isla markaana uu dalkaasi ka hadho Koobka Adduunka si uu xiddigani murugo ugu dhamaysto ciyaaraha caalamiga ah ee la filayo inuu ku dhawaaqo inuu ka fadhiisanayo kaddib Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Argentina iyo Netherlands ayaa wada ciyaaraya fiidka, balse waxa kasoo horreynaysa ciyaarta adag ee Brazil iyo Croatia oo midkood uu fiidka horeba iska xaadirin doono semi-finalka halka uu midkoodan oohin ku macasalaamayn doono tartanka.

Haddii Brazil ay soo dhaafto Croatia, waxay semi-finalka ku sigi doontaa Argentina iyo Netherlands midkooda badiya, balse Fred waxa uu doonayaa in ay soo baxaan Brazil iyo Argentina oo ay caawa garaacaan xulalka reer Yurub, isla  maarkaana isku dhacaan semi-finalka oo guusha uu la doonayo Brazil.

Fred oo la hadlayay EPSN ayaa yidhi: “Waxa aan doonayaa in semi-finalku uu noqdo Brazil vs Argentina. Waxa aan doonayaa isku-buuq, qas, Neymar oo rikoodhe dhaliya iyo oohinta Messi.”

ADVERTISEMENT

Kulamada caawa yaaa ah mid u dhexeeya waddamo reer Yurub ah iyo kuwo reer Latin America ah, waxaana ka dhalan kara saddex xaalood. Midda hore, waa in ay laba dal oo reer Latin America ah soo baxaan oo ay semi-finalka iskugu yimaaddaan. Midda labaadna, waa in dal reer Yurub ah iyo mid Latin America ah isku ballansadaan semi-finalka iyo xaaladda saddexaad ee aan aadka loo saadaalin oo ah in laba reer Yurub ahi soo wada baxaan.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Brazil & Argentina oo soo wada gudba, waxay dib usoo celinaysaa xafiiltankii qarniyada soo jiray ee u dhexeeyey labadan waddan ee deriska ah. 113 jeer oo hore ayay kulmeen Brazil iyo Argentina waxaana 46 mar badisay Brazil oo ah dalka gacanta sarreeya, halka Argentina ay libtina la hoyatay 41 mar iyaga oo 26 jeer oo kalena barbarro ku dhamaystay.

Ciyaartoodii iskugu dambaysay waxay ahayd November 2021 oo ay isreeb-reebka Koobka Adduunka barbarro ku dhamaysteen, balse finalkii Copa America 2021 ayaa sidoo kale ay Argentina ku adkaatay 1-0 oo ay koobka ku qaadday, waxaana goolkaas dhaliyey Angel di Maria.

ADVERTISEMENT
Share369Tweet231
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.