Markii ugu horeysay abid taariikhda Koobka Adduunka, waxaa kulan ka tirsan tartanka garsoorayaal kawada noqon doona dumar kulanka wareega guruubyada ee u dhaxeeya xulalka Costa Rica iyo Germany.
Gabadha reer France Stephanie Frappart ayaa noqon doonta gabadhii ugu horeysay abid ee garsoore ka noqota Koobka Adduunka ee ragga.
Stephanie ayaa qeyb ka aheyd markii ugu horeysay garsoorayaasha kulan rasmi ah oo Koob Adduun ah markii loo magacaabay garsooraha afaraad ee kulankii Mexico iyo Poland.
Gabadha reer France Stephanie Frappart ayaa noqon doonta garsoore dhexe kulanka berri ee garoonka Al Bayt Stadium ku dhexmaraya xulalka Costa Rica iyo Germany, waxaa caawiyayaal u noqonaya gabadha reer Brazil Neuza Back iyo gabadha reer Mexico Diaz Medina.
Markii la weydiiyay haddii ay abid hadalo qalafsan kala kulantay ciyartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaasha madaama ay dumar tahay, Frappart ayaa tiri:
“Tan iyo markii aan bilaabay waxan kaliya la kulmayay taageero iiga imaaneysay kooxaha iyo ciyaartoyda. Mar walba waa la igu soo dhaweeyaa garoonka waxaan dareemaa inaan la mid ah garsoore kasta oo garoonka soo gala.”
Waxay sidoo kale noqotay qofkii dumar ahaa ee ugu horeeyay ee garsoore dhexe ka noqda kulan Champions League ah sannadkii 2020kii.
Gabadhaan oo 38 sanno jir ah ayaa sidoo kale noqotay gabadhii ugu horeysay ee garsoore ka noqota koob weyn oo UEFA ah markii ay dhexdhexaadisay kulankii UEFA Super Cup ee u dhaxeeyay Liverpool iyo Chelsea.
FIFA ayaa seddex dumar ah oo kala ah Frappart, gabadha reer Rwanda Salima Mukansanga iyo gabadha reer Japan Yoshima Yamashita ku dartay liiskeeda 36da garsoore ee ay u xusheen inay dhexdhexaadiyaan kulamada Koobka Adduunka ee Qatar.