Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

WARKII LA SUGAYEY: Gabriel Jesus Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Garoomada Kusoo Laabanayo & Jamaahiirta Arsenal Oo Faraxsan

by Abdiwahab Ahmed
January 23, 2023
0
WARKII LA SUGAYEY: Gabriel Jesus Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Garoomada Kusoo Laabanayo & Jamaahiirta Arsenal Oo Faraxsan

Weeraryahanka Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa shaaciyey waqtiga uu kusoo laaban doono garoomada xilli uu ku maqan yahay dhaawac kasoo gaadhay Koobkii Adduunka ee  Qatar, kaas oo sababay in lagu sameeyo qalliin jilibka ah oo saddex bilood qaadanaya.

ADVERTISEMENT

Gabriel Jesus ayaa ka farxiyey taageereyaasha Arsenal oo uu u sheegay in uu isku diyaarinayo sidii uu mar kale u hoggaamin lahaa weerarka kooxdiisa, si ay ugu guuleystaan hroyaalka Premier League.

25 jirkan oo la hadlayay feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov, oo ay wada daawanayeen ciyaartii Arsenal ay 3-2 ku garaacday Manchester United Axaddii, ayaa waxa uu sheegay, in uu sii maqnaan doono muddo afar illaa shan toddobaad oo kale ah oo ka dhigan bil iyo dhawer maalmood.

Khabib Nurmagomedov ayaa weydiiyey Jesus, goorma ayaad soo laabanaysaa, waxaana uu xiddiga Brazil ku jawaabay: “Waxa aan u malaynayaa, in afar ama shan toddobaad kaddib aan soo laaban doono.”

ADVERTISEMENT

Arsenal oo hadda isku diyaarinaysa ciyaarta Jimcaha ee Manchester City ee tartanka FA Cup, ayaa uu hadalka kasoo yeedhay Gabriel Jesus u yahay farxad weyn, sababtoo ah dhamaadka bishii December oo la sameeyey qalliinka jilibka ee laacibkan ayaa la filayay inuu qaato illaa dhamaadka bisha March.

Muddadii uu maqnaa Gabriel Jesus, waxa weerarka Arsenal uga ciyaarayay laacibka da’da yar ee Eddie Nketiah oo laba gool ka dhaliyey Manchester United Axaddii, waxaana uu helayaa kalsooni uu kula tartami doono Jesus.

ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
Share406Tweet254
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.