Wariyihii u ololaynayay khaniisiinta ee ku sugnaa waddanka Qatar ayaa dhulka ku dhacay, isla markaana geeriyooday isaga oo tabinaya ciyaartii Argentina iyo Netherlands ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka ee xalay.
Grant Wahl oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay isaga oo si toos ah u tabinaya ciyaartaas oo ka dhacay maagaalada Dooxa.
Ninkan oo bilowgii tartanka laga joojiyey inuu gudaha u galo garoonka markii uu soo xidhay dharka Khaniisiinta ee jeegaanta, ayaa waxa uu dib ugu dhacay kursigiisa waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaartii Netherlands iyo Argentina.
Saxafiyiintii kale ee ka ag-dhowaa ayaa dalbaday gurmad caafimaad, waxaana loola cararay cusbitaalka oo xaqiijiyey in uu bakhtiyey ka hor intii aan lasoo gaadhsiinin.
Grant Wahl ayaa si toos ah usoo tabiyey siddeed ciyaarood oo Koobka Adduunka oo ay ku jiraankulamadii waddankiisa Maraykanka, balse isaga oo ku jira dhaqan-xumo iyo u ololaynta Khaniisiinta ayay naftu ka baxday.
Ciyaartii Wales iyo Maraykanka ayaa Grant Wahl laga joojiyey inuu galo garoonka Ahmad Bin Stadium ee ku yaalla magaalada Al Rayyan, waxaana uu dhacdadaas ku noqday caan iyada oo warbaahinta dunida ee taageerta dhaqan-xumadu ay si aad ah u qaadaa-dhigtay.
Madaxweynaha Xidhiidhka kubadda cagta FIFA ayaa tacsi u diray Grant Wahl, sababtuna waa in goobta uu ku geeriyooday ay ahayd garoonka dhaxdiisa isaga oo tabinaya ciyaar ka tirsan Koobkaa Adduunka.