Wargeyska L’Euqipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa xiddig lama filaan ah oo xulka qaranka England ka tirsan ku tilmaamay khatarta ugu weyn ee Faransiisku uu la kulmi doono wareegga siddeedda Koobka Adduunka oo ay labada xul kala bixi doonaan Sabtida.
Tababare Didier Deschamps ayaa la rumaysan yahay in uu taxadar dheeraad ah ka samayn doono kabtanka xulka England ee Harry Maguire, Jude Bellingham, Phil Foden iyo Bukayo Saka oo ah kuwa ay diiraddu hayso, balse L’Equipe ayaa boggiisa hore ku daabacay, in khatarta ugu weyn iyo dhibaatada ugu badan ay Faransiisku kala kulmi doonaan daafaca Manchester United ee Harry Maguire.
Maguire ayaa ku fiican kubbaadaha madaxa ah, waxaanay tahay in Faransiisku taxadar sameeyaan marka koorneyaasha lasoo laadayo amaba kubbadaha dhinacyada laga keenayo, sida uu ku dooday wargeyska L’Equipe.
Inkasta oo laga yaabo in dad badan aanay sideeda u qaadanin khatarta uu tilmaamay L’Equipe, haddana waxay xaqiiqadu tahay in Harry Maguire uu yahay ciyaartoyga afraad ee goolasha ugu badan u dhaliyey xulka England intii uu tababaraha ka ahaa Gareth Southgate, waxaana uu ku xigaa Kane oo 47 gool dhaaliyey, Sterling oo 18 gool saxeexay iyo Marcus Rashford oo 14 gool dhaliyey. Maguire ayaa inta badan goolashiisa ku dhaliyey madax.
“Waxyaabaha Ingiriisku ay ku xooggan yihiin, waa shaashadda, sida kubadda kolayga oo kale, waa koox is-taqaanna.” Ayaa uu qoray L’Equipe oo sidoo kale xusay in Maguire ay ciyaartoydu u ogolaan doonaan inuu mar walba tago xerada ganaaxa oo uu madaxa galo.