Koobka Adduunka ee FIFA waa tartan kubadda cagta oo caalami ah waana mid ka mid ah dhacdooyinka isboorti ee ugu weyn adduunka. Xubnaha Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta FIFA ayaa afartii sanaba mar ku tartama horyaalka Koobka Adduunka. Horyaalkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee FIFA waxa la qabtay sannadkii1930kii, tartankaani ayaa dhaca afartii sannadoodba mar tan iyo markaas, marka laga reebo 1942kii iyo 1946kii dagaalkii labaad ee adduunka aawadeed.
FIFA World Cup ayaa ah dhacdo si weyn loo tixgaliyo waana ciyaaraha loogu daawashada badan yahay caalamka oo idil. Finalkii Koobka Adduunka ee 2018 ee ka dhacay dalka Ruushka ayaa jabiyay rikoorka daawashada iyadoo ay daawadeen in ka badan 3.5 bilyan oo aheyd kala bar dadka adduunka ku nool.
Xulka qaranka France ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee ku guulaysta Koobka Adduunka sannadii 2018kii, kaas oo ka dhacay dalka Russia. Qatar ayaa loo qorsheeyay inay martigeliso Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2022 Noofambar 20 ilaa Deseembar 18, 2022, taasoo noqonaysa markii ugu horeeyay ee lagu qabto wadamada Carabta, iyo koobkii labaad ee aduunka oo gabi ahaan lagu qabto Asia kadib tartankii 2002 ee South Korea iyo Japan.
Koobka Adduunka ee FIFA 2022 waa kii 22-aad ee FIFA World Cup, wuxuu ka dhici doonaa Qatar, Koobkan ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay oo ay ka qeyb galaan 32 kooxood. Waxa laga dhigi doonaa 48 kooxood oo ka qayb galaya tartanka 2026 ee Maraykanka, Mexico, iyo Canada.
Waxa uu furmi doona habeen danbe saacada 7 fiidnimo waqtiga geeska Afrika, ciyaarta furitaanka ayaa dhexmari doonta Qatar iyo Ecuador garoonka Al Bayt Stadium, Waxa la ciyaari doona 64 kulan, waxaa uu socondoonaa 29 maalmood.
Finalka ayaa la qaban doonaa 18ka Diseembar 2022, waana maalinta qaranka Qatar.
Tartanka 2026-ka waxaa si wada jir ah u martigelin doona Mexico, Canada, iyo Mareykanka, taasoo ka dhigaysa Mexico dalkii ugu horreeyay ee saddex jeer martigeliya.
18 waddan oo kala duwan ayaa martigeliyay ciyaaraha Koobka Adduunka, iyadoo Qatar ay noqon doonto waddankii 19aad ee martigeliya.
Martigeliyaasha Koobka Adduunka Oo Dhameystiran:
2026: Canada, United States (markii 2aad), Mexico (markii 3aad)
2022: Qatar
2018: Russia
2014: Brazil
2010: South Africa
2006: Germany (markii 2aad)
2002: Japan/South Korea
1998: France (markii 2aad)
1994: United States
1990: Italy (2nd time)
1986: Mexico
1982: Spain
1978: Argentina
1974: West Germany
1970: Mexico
1966: England
1962: Chile
1954: Switzerland
1950: Brazil
1946: — la joojiyay (Daagaalkii 2aad Ee Dunida)
1942: — la joojiyay (Daagaalkii 2aad Ee Dunida)
1938: France
1934: Italy
1930: Uruguay
Waxa Qoray: Yusuf Sodal