WARBIXIN: Waa Maxay Sababta Looga Baqayo Waddanka Brazil Koobka Adduunka Ee Sannadkan? Xasuusihii 1994 & 2002 Oo Dib Usoo Noqday

Iyada oo dunida oo dhan kusii jeedsanayso dhinaca waddanka Qatar ee bisha November  uu ka bilaabmayo Koobka Adduunku, waxa aynu sii wadaynaa xogaha dalalka awoodda badan ee ugu cadcad in ay ku guuleystaan koobkan, waxaana maanta aynu si gaar ah u dul istaagaynaa Brazil oo ah dalka sida weyn looga baqayo.

Tababare Tite oo hore usii shaaciyey in uu ka tegayo shaqada xulka kaddib Koobka Adduunka, ayaa waxa uu ciyaarayaa kaadhkiisii ugu dambeeyey ee uu dalkiisa ugu soo hoynayo koobka ay shanta jeer ku guuleysteen ee ka dhigay waddanka ugu guulaha badan Koobka Adduunka. Sannadkii 2018 ayay ku hadheen semi-finalka oo ay Belgium ku reebtay, haddana waxa uu doonayaa in uu laba tallaabo hore u dhaafo halkii waqtigaas.

Brazil ayaa ah waddan meel walba oo laga eego ka dhisan, waxaanay taageereyaashu dib usoo xasuusanayaan xilliyadii ugu dambeeyey ee ay koobkan qaadeen. Wargeyska Marca ayaa sheegay in Brazil leedahay saansaantii koobka isaga oo barbar-dhigay labadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay koobkan qaadeen.

Advertisements

Brazil1

Warbixin uu Marca ka diyaariyey Brazil ayaa lagu yidhi: “Brazil, dib u milicso 1994kii iyo 2002: Iyadoo aynu hal il ku eegayno Koobka Adduunka ee soo socda, waa wax dabiici ah in kaliya aynu ka fikirno Brazil-tii hore ee tartankan ku guuleysatay shanta jeer.

“Dib u fiiri labadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay ku guuleysteen. Sannadkii 1994kii waxay haysteen ciyaartoyda sida Mazinho, Mauro Silva, Dunga, Zinho, Bebeto iyo Romario, halka 2002 ay haysteen xiddigaha sida  Cafu, Mauro Silva, Kleberson, Roberto Carlos, Rivaldo, Ronaldinho iyo Ronaldo, celceliska waxay dhaliyeen min 2.57 gool.”

Haddaba, sidee ayuu tababare Tite u safi karaa xiddigaha waaweyn ee uu haysto? Waa su’aashan midda ay taageereyaashu is-weydiinayaan, hase yeeshee waxay reer Brazil kalsooni buuxda ku qabaan tababarahooda deggen oo ay rumaysan yihiin in uu samayn doono xulashada ugu habboon.

Halkan kaga bogo shan qaab oo Brazil u ciyaari kaarto, iyadoo haysata weerarka ugu halista badan:

Qaabka Koowaad: 4-3-3 waa mid weerar ku dhisan

Brazil waxay ka xooggan tahay afka hore ee weerarka oo ay ku haysato xiddigo waaweyn, sida Neymar, Vinicius Junior, Jesus, Rodrygo, Richarlison iyo kuwo kale. Dookha koowaad ee uu Tite ku ciyaari karo ayaa noqonaya sidan:

Goolhaye – Alisson

Difaac Midig – Danilo
Difaac Dhexe – Marquinhos
Difaac Dhexe – Militao
Difaac Bidix – Lodi

Khadka Dhexe- Casemiro
Khadka Dhexe – Fabinho
Kubbad-sameeye – Neymar

Garabka Midig – Rodrygo
Weerarka Dhexe – Jesus
Weerarka Bidix – Vinicius

Option 1

Qaabka Labaad: 4-3-3 weerarka oo isbeddelay

Waxba iskama beddelayaan qaabka oo ah afar difaac, saddex dhax ah iyo saddex weerar ah, hase yeeshee magacyada ciyaartoyda ayaa isbeddelaya. Tite ayaa isticmaali karaya xiddigo kale duwan, waxaananu is-dul-saaraynaa xiddigaha uu boos walba u kala dooran karayo.

Goolhaye – Ederson

Difaac Midig – Danilo
Difaac Dhexe – Silva
Difaac Dhexe – Bremer / Ibaez
Difaac Bidix – Alex Sandro / Telles

Khadka Dhexe – Casemiro
Khadka Dhexe – Guimaraes / Fred
Kubbad-sameeye – Neymar / Coutinho / Paqueta

Garabka Midig – Raphinha / Anthony
Weerarka Dhexe – Richarlison / Firmino
Weerarka Bidix – Cunha / Martinelli

Option 2

Qaabka Saddexaad: 4-3-3 Weerarka ayaa wax laga beddelayaa

Firmino ayaa kusoo bilaabanaya marka uu Tite qaato dookhan. Waxa se uu meesha ka saarayaa weerarkii tooska ahaa iyadoo Neymar loo ogolaanayo inuu galaan-gal badan ku yeesho afka hore.

Goolhaye – – Allison

Difaac midig– Danilo
Difaac dhexe– Marquinhos
Difaac dhexe – Militao
Difaac bidix – Lodi

Kubbad-burburiye – Casemiro
Khadka dhexe – Guimaraes
Khadka dhexe – Coutinho

Weerar Bidix– Vinicius
Weerar Dhexe – Firmino
Weerarka Bidix – Neymar

Option 3

Qaabka Afraad: 3-4-1-2

Shaxdan waxay Tite siinaysaa in uu gebi ahaanba beddelo qaabka xulkiisa ee uu ku ciyaarayo. Waxa uu ciyaarsiisan karaa saddex difaac oo adag iyo khad dhexe oo awood u leh in ay kubadda burburiyaan, sidoo kalen goolal dhaliyaan. Waxa kale oo soo gelaya Richarlison oo la ogyahay in difaacyahannadu aanay ka nasanin.

Goolhaye – Alisson

Difaac dhexe – Marquinhos
Difaac dhexe – Militao
Difaac dhexe – Silva

Dhexda midig – Raphinha
Khadka dhexe – Guimaraes
Khadka dhexe – Casemiro
Dhexda midig – Vinicius

Kubbad-sameeye– Neymar

Weerar dhexe – Jesus
Weerar dhexe – Richarlison

Option 4

Qaabka Shanaad: 4-5-1

Shaxda qaabka shanaad way ka duwanaanaysaa dhamaan afartii hore. Waxa weerarka lagu cidlaynayaa Gabriel Jesus sidii sannadkii 2022 uu ahaa Ronaldo oo ay ka garab shaqaynayeen xiddigo khad dhexe iyo garbo marna dib u noqda marna hore usoo baxa.

Raphinha ayaa garabka midig la geynayaa inkasta oo uu kooxdiisa Barcelona uga dheelo garabka bidix, waxaase halkaas ka xoogsanaya Vinicius Junior oo ah laacibka Brazil ee ugu fiican booskaas. Neymar iyo Coutinho ayaa iyagana hal-abuureyaal noqonaya, halka Casemiro loo deynayo in uu burburiyo kubadda kooxda ka hor imanaysa.

Goolhaye – Alisson

Difaac midig – Danilo
Difaac dhexe – Marquinhos
Difaac dhexe – Militao
Difaac bidix – Sandro

Dhexda midig – Raphinha
Kubbad-sameeye– Coutinho
Kubbad-burburiye – Casemiro
Kubbad-sameeye – Neymar
Dhexda Bidix– Vinicius

Weerar dhexe– Jesus

Advertisements

Option 5

2 Fekradood

  1. Brazil xul dhinac walba ka dhamays Tiran ugu yaraan semi final waa tagin hadaanayba final tegin
    Difaca dhexe
    Alisson
    Marquinhos silva Militao

    Danilo Casemiro Guimaraes Sandro

    Coutinho
    Neymar Vinicius

  2. Xullan xulasho khad dhexe maba haystaan sidoo kalena malaha weeraryahan dhamaystira kubadaha ay samaynayaan. Hadaad dawato ciyarihii u dambaysay waxaba ka badinaysay argentina

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada