Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

WARBIXIN: Murugada, Xasuusaha, Rikoodhada & Taariikhda Uu Ka Tegay Halyeygii Brazil Ee Pele Oo Muddada Lagu Hayay Qolka Meydka

by Abdiwahab Ahmed
December 29, 2022
0
WARBIXIN: Murugada, Xasuusaha, Rikoodhada & Taariikhda Uu Ka Tegay Halyeygii Brazil Ee Pele Oo Muddada Lagu Hayay Qolka Meydka

Halyeygii Brazil ee Pele ayuu waqtigiisu dhamaaday maanta, waxaana ugu dambayn lagu dhawaaqay inuu geeriyooday kaddib 26 maalmood oo lagu hayay qolka meydka oo la dhigay bilowgii bishan December iyadoo ay xaaladdiisu geeri iyo nolol u dhaxaysay.

ADVERTISEMENT

Baroor-diiq ayaa ka abilaabantay kubadda cagta dunida oo looga aqoonsan yahay inuu yahay boroqka banooniga, waxaana warbixintan aanu ku eegi doonaa waayihiisii ciyaareed, kooxihiisii, heerarkii xanuunka uu ugu dambayntii u dhintay iyo taariikhdii uu ka tegay.

Magaciisa waxa uu ahaa Edson Arantes do Nascimento (Pele), waxaana uu ku dhintay da’da 82 jir. Sannadkii 2021 ayaa uu ku dhacay xanuunka kansarka oo muddo uu cusbitaalka ugu jiray kaddib la sheegay inuu ka ladnaaday, balse waxa waxyar kaddib haleelay xanuun dhinaca wadnaha ah.

December 3 ayaa ay istaageen kalyuhu, sidoo kalena waxa shaqayn waayey kalyahay, taas oo keentay in la dhigo qolka dadka xaaladdoodu dhimashada tahay ee lagu sii sagootiyo maalmaha ugu dambeeya noloshooda.

ADVERTISEMENT

Pele 1 1

Sidoo Kale Akhri

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

February 6, 2023
“Erling Haaland Waxa Uu Tegay Koox Yar Oo Aan U Qalmin… Go’aan Qaldan Ayuu Qaatay”

“Erling Haaland Waxa Uu Tegay Koox Yar Oo Aan U Qalmin… Go’aan Qaldan Ayuu Qaatay”

February 6, 2023

Inanta uu dhalay ee Kely Nascimento ayaa qoraal ay soodhigtay barteeda Instagram waxay ku sheegtay in aabbaheed geeriyooday, balse waxay uu qoraalkeedu yimid maalin kaddib markii ay isla barteeda bulshada dhigtay sawir ay la gashay aabbaheed oo sariirta cusbitaalka yaalla.

Pele oo sidoo kale lagu naanaysi jiray ‘O’Rei’ waxa uu ku dhashay magaalada Tres Coracoes ee ku taalla gobolka Minas Gerais ee waddanka Brazil markii ay taariikhdu ahayd October 23, 1940.  Waxa uu dunida ka kasbaday in ay u aqoonsato xiddigii ugu fiicnaa taariikhda sannadihii 1958, 1962 iyo 1970kii oo uu dalkiisa u qaaday Koobka Adduunka.

Pele ayaa mar walba lagu xasuusan doonaa waayihiisii kubadda cagta, qaab-ciyaareedkiisii cajiiba  ahaa, goolashiisii iyo koobabkii uu ku guuleystay. Waxa Koobabka Adduunka u dheer, guulihii uu gaadhsiiyey kooxda Santos.

November 19, 1969kii, ayaa waxay Santos la ciyaartay Vasco da Gama, waxaana uu ciyaartaas Pele ka dhaliyey goolkiisii 1,000aad ee kubadda cagta.

Isaga oo ay da’diisu aad u yar tahay ayuu caan ka noqday dunida. 15 sannadood oo kaliya markii uu jiray ayuu kooxda koowaad ee Santos u saftay kulan ku taariikhaysan September 7, 1956kii, waxaanay la ciyaareen Cubatao. Isla ciyaartaas ayuu shabaqa soo taabtay oo uu goolkiisa koowaad u dhaliyey Santos. Sannad kaddib ayaa uu xulka qaranka Brazil ka mid noqday. Waxay ahayd July 7, 1957kii markii uu xulka qaranka Brazil u saftay ciyaartiisii koowaad, waxaana uu ka hor tegay dalka ay colaadda ciyaareed ka dhaxayso ee Argentina. Kulankaas oo ka dhacay garoonka Maracana waxa Brazil lagaga badiyey 2-1.

Boqorkii Koobka Adduunka

Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Sweden 1958kii ayaa uu Pele ka mid noqday xiddigaha xulka Brazil iyadoo ay da’diisu ahayd 17 jir. Tababare Vicent Feola ayaa u yeedhay oo xulkiisa kusoo darsaday. Waxa uu noqday ciyaaartoygii ugu da’da yaraa ee abid Koobka Adduunak dheela. Ciyaartii ugu dambaysay ee finalka ayaa uu laba gool dhaliyey iyaga oo 5-2 ku garaacay Sweden oo ay koobka ka qaadeen.

1962kii ayaa Koobka Adduunka lagu qabtay Chile. Waxay u ahayd markii labaad ee uu ka qayb=-gelayo Koobka Adduunka, balse markan xirfad ahaan, khibrad ahaan iyo xataa magac ahaanba horumar badan ayuu sameeyey.

Wacdaro ayuu ka dhigay koobkan, waxaana uu mar kale dalkiisa u qaaday koobka, iyaga oo noqday dalkii labaad ee laba-jeer oo isku xiga ku guuleysta Koobka Adduunka. Waxa uga horreeyey Talyaaniga.

1966kii ma ahayn sannad u wanaagsan Pele iyo xulkiisa Brazil, sababtoo ah waxa Koobka Adduunka ay kaga baxeen niyad-jab, iyadoo Ingiriisku ku guuleystay sannadkaas. Laakiin isma aanay dhiibin, waxaana Pele uu markii saddexaad Koobka Adduunka u qaaday xulkiisa sannadkii 1970kii.

Ciyaartii sagootinta

Xulka dalkiisa la googooyey ee Yugoslavia ayaa uu ka hor tegay ciyaartiisii ugu dambaysay kubadda cagta caalamiga ah isaga oo metelayay Brazil. Ciyaartan ayaa dhacday July 18, 1971. Sannadkii 2013kii, ayaa la siiyey abaal-marinta Ballon d’Or oo lagu maamuusay, iyadoo laba sannadood kaddibna uu wargeyska France Football shaaciyey inuu xaq u lahaa toddoba Ballon d’Or.

Waqtigii Saints, Cosmos iyo gunaanadkii xirfaddiisa

Intii u dhaxaysay 1956 illaa 1974kii, Pele waxa uu u ciyaaray kooxdiisii koowaad oo ahayd Santos, taas oo uu si degdeg ah uga noqday xiddigoodii ugu fiicnaa taariikhda. Waxa uu u saftay 1,118 ciyarood oo uu u dhaliyey 1.087 gool. Pele ayaa kooxdan u qaaday 20 koob oo isugu jiray Campeonatos Paulista, Serie A iyo Rio Sao Paulo. Waxa wehelinayay laba Copa Libertadores, laba Intercontinental iyo Intercontinental Cup Winners’ Cup.

1975kii, Pele ayaa u wareegay kooxda New York Cosmos ee waddanka Maraykanka, waxaanu u ciyaaray laba sannadood. Intii uu ka ciyaarayay Maraykanka hoos uma aanay dhicin gool-dhalintiisu, waxaanu u saxeexay 64 gool oo laba sannadood gudahood ah.

ADVERTISEMENT

Sannadkii 1977kii ayuu tiiriyey kabaha kubadda cagta oo uu ka fadhiistay ciyaaraha. Waxa mar dambe loo magacaabay safiirka Qaramada Midoobay, waxaanu ka qayb-galay filinkii Evasion ama guusha ee 1981kii la sameeyey. 1994kii ayaa loo doortay wasiirka ciyaaraha ee Brazil, balse si degdeg ah ayuu uga muruxsaday siyaasadda isaga oo kaliya ku koobnaaday ciyaaraha.

Maanta oo ay taariikhdu tahay December 29, 2022 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu geeriyooday Pele. Boqor ayaa ka tegay kubadda cagta.

Share380Tweet238
ADVERTISEMENT

Related Posts

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Xubin ka tirsan Arsenal ayaa gudoomiye u noqonaya guddiga madaxa banaanka ee loo xilsaaray eedeymaha loo heysto Manchester City ee...

“Erling Haaland Waxa Uu Tegay Koox Yar Oo Aan U Qalmin… Go’aan Qaldan Ayuu Qaatay”

“Erling Haaland Waxa Uu Tegay Koox Yar Oo Aan U Qalmin… Go’aan Qaldan Ayuu Qaatay”

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa loo sheegay inuu sameeyey qalad iyo doorasho aan fiicnayn markii uu xagaagii u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.