WARBIXIN: Maalgelin Isku Mid Ah Iyo Natiijooyin Kala Duwan: Sababta Atletico Madrid Aanay Ula Tartami Karaynin Real Madrid

Kulankii koowaad ee xilli ciyaareedkan ee Madrid Derby, Real Madrid ayaa 2-1 ku garaacday Atletico, iyadoo Los Blancos sii wada in ay tahay awoodda ku gacanta sarraysa caasimadda Spain.

Atletico Madrid ayaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey koboc weyn samaynaynaysay, iyadoo sannadkii 2013 samaysay isbeddel iyo hirgelinta falsafad ciyaareed oo uu seeska u dhigay Diego Simeone oo kula guuleystay hroyaalka LaLiga laba jeer  oo ah xilli ciyaareedyadii 2013-14 iyo 2020-21.

In badan waxaynu la soconaa in Real Madrid ay suuqa iibka ciyaartoyda ku kharash garayso lacago badana, laakiin tobankii sannadood ee ugu dambeeyey wax farqi ah oo la tilmaami karo uma aanay dhaxaynin labada kooxood. Real Madrid waxay kharash garaysay €1,082.4 bilyan oo ay ku jiraan lacagaha amaahda ciyaartoyda, waxaanay dhinaca kale soo xaraysay €959.5 milyan oo Gini oo uga timid ciyaartooyo ay iibisay, taas oo ka dhigan in lacagta ay ciyaartoyda ku bixisay ee aan usoo noqonin ay tahay €-122.9 milyan oo Euro.

Advertisements

Atletico Madrid waxay iyaduna tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ciyaartooyo cusub ku kharash garaysay €1,054.3 bilyan oo Birr, waana wax ka yar €28.1 milyan lacagta ay Real Madrid kharash garaysay. Atletico waxay dhinaca kale ciyaartooyo ay iibisay ka  heshay €954.3 bilyan oo Euro, waxaanay €5.2 milyan oo Gini ka hooseeyaan alacagta Real Madrid ay soo xaraysay.

Isbarbar-dhigga lacagaha ay kooxahani ku bixiyeen ciyaartooyo ay soo iibsadeen iyo kuwa ay xaraasheen, waxa kaliya oo ay Real Madrid badan tahay €22.9 milyan, waana tiro aad u yar marka loo eego guulaha Los Blancos ay gaadhay iyo inta Atletico Madrid.

Intii ay Real Madrid lacagtan kharash garaysay oo ah tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxay ku guuleysatay 20 koob oo kala ah: shan Champions League, saddex horyaal oo La Liga ah, hal Copa del Rey, saddex Spanish Super, afar European Super Cup iyo afar Club World Cup.

Atletico waxay iyaduna tobanka sannadood ee ay lacagtan kharash-garaysay ay ku guuleysatay shan koob oo kaliya oo ah laba horyaal oo LaLiga ah, hal Europa League iyo hal European Super Cup iyo hal Spanish Super Cup.

Markii ay Atletico Madrid ku guuleysatay horyaalka sannadkii 2014, waxay kaalinta labaad ka gashay Champions League oo ay Real Madrid qaadday, hase yeeshee waxay xajisan kari weyday xiddigaheedii waaweynaa, waxaana ka tegay Diego Costa iyo Felipe, sannadkii xigayna waxa raacay Arda Turan, taas oo wiiqday awooddiidii, halka Real Madrid sii wadatay guulaheeda.

Mid ka mid ah sababaha Real Madrid saaciday ee ay ciyaartoydeeda usii xajisatay waa dhinaca dhaqaalaha, iyadoo xaddiga mushaharka ay bixin karayso uu yahay €683 milyan oo Euro, halka Atletico Madrid uu ka yahay €341 milyan oo Euro.

Saxeexyadii waaweynaa ee ay tobankii sannadood ee u dambeeyey sameeyeen

Atletico Madrid waxa ugu qaalisanaa oo ay iibsatay Joao Felix oo €127.2 milyan oo Euro ay kasoo bixiyeen, Jan Oblak oo €16 milyan oo Gini ahaa, Jackson Martinez oo €35 milyan ay dul-dhigeen laakiin lix bilood kaddib ka tegay, Thomas Lemar oo €72 milyan oo Gini ay kusoo iibsadeen, Kevin Gameiro oo €32 milyan ahaa, Vitolo oo €35 milayn ah iyo Antoine Griezmann oo ay amaah ahaan kaga soo ceshadeen Barcelona oo ay €30 milyan oo Gini kusoo iibsadeen. Waxa aan la xusin ciyaartooyo badan oo kale oo ay iibsatay Atletico Madrid balse qiimahoodu ka hooseeyey inta sare ku xusan.

Real Madrid waxay iyaduna laga soo bilaabo sannadkii 2013 ay ku guuleysatay shan Champions League halka afarna laga qaaday, hase yeeshee dhinaca kale, waxay is-garab wadeen laba siyaasadood  oo ah in ay ciyaartooyo waaweyn keensadaan iyo in ay da’yar mustaqbalka loo carbiyo la saxeexdaan.

Gareth BalE ayay Real Madrid 2013 dul-dhigtay €101 milyan oo Gini, waxaana ku xigay Isco €30 milyan, James €75 milyan, Kroos €25 milyan iyo Hazard oo €100 milyan oo Euro ahaa. Waxa kale oo aan la xusin laacibiin aanu qiimahoodu aad u sarraynin.

Geesta kale, waxay Real Madrid soo urursatay ciyaartooyo da’yar ah, sida Eduardo Camavinga oo €40 milyan ay kula soo wareegtay, Aurelien Tchouameni oo €80 milyan ah, Rodrygo oo €40 milyan ay kasoo bixiyeen, Vinicius Junior oo €45 milyan ku jooga iyo Eder Militao oo €50 milyan ay ku keeneen Santiago Bernabeu.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada