Newcastle ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee Ruben Neves oo heshiiskiisa Wolves 18 bilood ka hadheen. (Mail)
Chelsea ayaa si buuxda u taageersan tababare Graham Potter isla markaana qorshaynaysa inay kala dirto in badan oo xiddigaheeda kamid ah. (Telegraph – subscription required)
Arsenal ayaa ku kalsoon inay saxeexa 80ka Milyan ee pound ah ee Mykhailo Mudryk dhammaystiri doonto kahor kulankooda Man United ee toddobaadka dambe. (Times – subscription required)
Chelsea ayaa kaliya 10 Milyan oo euro kula saxeexan karta weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram oo heshiiskiisu xagaaga dambe dhacayo. (Caught offside)
Liverpool ayaa la kulantay wakiilada khadka dhexe ee Morocco iyo Fiorentina ee Sofyan Amrabat balse 26 sano jirkaas ayaa doorbidaya Atletico Madrid. (Mirror)
Chelsea iyo Tottenham ayaa isha ku haya Leandro Trossard kaddib markii wakiilka 28 sano jirkaasi sheegay in ciyaaryahankiisu doonayo inuu ka tago Brighton. (Football.London)
Manchester United oo iib ah ayaa dalabaad ka heleen mulkiilayaasheedu Bilyaneero ka socda bariga dhexe, Asia iyo America waxaana la filayaa inay dalabaad rasmi ah helaan kahor wakhtiga uu ku eeg yahay dalabaadka kooxdu ee bisha dambe, ninka ugu qanisan Brittain ee Sir Jim Ratcliffe ayaa sidoo kale la filayaa inuu dalab ka gudbiyo. (Telegraph – subscription required)
Chelsea ayaa PSV wadahadalo kagala jirta saxeexa garabka weera ee 20 sano jirka ah ee Noni Madueke. (Football.London)
Everton iyo Wolves ayaa xiisaynaya saxeexa daafaca Felipe Monteiro oo uu xagaaga dhacayo heshiiskiisa Atletico Madrid. (Mail)
Everton ayaa dalab 20 Milyan oo euro ah ka gudbisay weeraryahanka kooxda Lorient ee Dango Ouattara. (Ouest-France – in French)
Wolves aayaa kooxda Flamengo kala heshiisay khadka dhexe ee Joao Gomes. (Fabrizio Romano)
Wolves ayaa sidoo kale qarka u saaran garabka ree Spain ee Pablo Sarabia oo ka tirsan Paris St-Germain. (Talksport)
Tottenham ayaa wali xiisaynaysa daafaca midig ee Sporting Lisbon ee Pedro Porro balse ay tahay inay marka hore iibiso midkood xiddigahooda booskaas ee Doherty ama Emerson. (Standard)
Manchester United khadkeeda dhexe ee Scott McTominay iib maaha suuqan January, Everton, Southampton, Leeds, West Ham iyo Leicester ayaa dhammaantood xiisaynayay balse Red Devils ayaa diiday. (90Min)