Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 12, 2023
0
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Real Madrid ayaa Bayern Munich wax ka weydiisay suurogalnimada lagu heli karo Benjamin Pavard xilli ay doonayaan xoojinta daafacooda midig. (Florian Plettenberg)

ADVERTISEMENT

Man United inay heshiis cusub la meeldhigto Marcus Rashford ayay ka dhigatay muhiimadeeda koowaad. (GOAL)

Mulkiilaha Everton ayaa taageero buuxda u muujiyay tababaraha culaysku saaran yahay ee Frank Lampard. (Sky Sports)

AC Milan ayaa heshiis kordhinta khadka dhexe ee Ismael Bennacer ku dhawaaqi doonta maalmaha soo socda sida uu xaqiijiyay agaasime Paolo Maldini. (Mediaset)

ADVERTISEMENT

Franck Kessie wuxuu durba ka tagi karaa Barcelona lix bilood kaddib markii uu AC Milan bilaash ugaga yimid. (Gerard Romero)

Sidoo Kale Akhri

Muxuu Kaga Duwan Yahay Tababarayaashii Hore? Akhriso Heerka Cajiibka Ah Ee Chelsea U Gaadhay Graham Potter

Waakan Tababaraha Weyn Ee Shaqada Chelsea Ku Tashanaya Xilli Ciyaareedka Dambe

January 28, 2023
Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

January 28, 2023

Manchester United iyo Chelsea ayaa ka fikiraya inay u dhaqaaqaan daafaca midig ee Southampton ee Walker-Peters. (Talksport)

West Ham ayaa kooxda Amiens wadahadalo kala yeelatay saxeexa daafaca dhexe ee Formose Mendy. (The Athletic – subscription)

Leeds ayaa horumar ka samaynaysa isku daygeeda weeraryahanka kooxda Hoffenheim ee Georginio Rutter. (The Athletic – subscription)

Tottenham ayaa go’aansatay inaysan wax xilli ciyaareedkan dhaafsan gaadhsiin heshiiska uu kula joogo Lucas Moura. (Telegraph)

ADVERTISEMENT

Aston Villa ayaa dalab ay ka gudbisay khadka dhexe ee Marseille ee Matteo Guendouzi laga soo diiday, 23 sano jirkaas ayay Arsenal kusoo wada shaqeeyeen tababare Unai Emery. (Mail)

Wolves ayaa ku dhaw inay 10 Milyan oo pound kula saxeexato khadka dhexe ee Mario Lemina oo ka tirsan Nice. (Sun)

Wolves ayaa sidoo kale doonaysa saxeexa 33 sano jirka daafaca dhexe ee Felipe oo ka tirsan Atletico Madrid. (Reuters)

Atletico ayaa bedelka Felipe u dhaqaaqaysa daafaca Leicester ee Caglar Soyuncu. (Matteo Morretto, on Twitter – in Italian)

West Ham ayaa xanibi doonta heshiis uu kooxda kaga tago weeraryahan Michail Antonio oo ay xiisaynayso Wolves. (Express & Star)

Watford ayaa amaah ku doonaysa da’yarka garabka Manchester United ee Facundo Pellistri. (Telegraph – subscription)

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa doonaya inuu Chelsea ka tago oo ku laabto kooxdiisii Barcelona. (AS – in Spanish)

Joao Felix ayaa amaah ugu biiray Chelsea inta xilli ciyaareedka ka hadhsan balse ku laabanaya Atletico Madrid dhammaadka xilli ciyaareedka taas oo ka dhigan bixitaanka tababare Diego Simeone oo ay isku dhaceen. (Mirror)

Felix imaanshihiisa Chelsea ma saamayn doono wadahadalada Chelsea weeraryahano kale ku doonayso iyadoo haatan Monchengladbach kala hadlaysa saxeexa Marcus Thuram. (Fabrizio Romano)

Share480Tweet300
ADVERTISEMENT

Related Posts

Muxuu Kaga Duwan Yahay Tababarayaashii Hore? Akhriso Heerka Cajiibka Ah Ee Chelsea U Gaadhay Graham Potter

Waakan Tababaraha Weyn Ee Shaqada Chelsea Ku Tashanaya Xilli Ciyaareedka Dambe

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Chelsea ayaa gudaha xilli ciyaareedkan uun la saxeexatay tababare Graham Potter oo uu sidoo kale mulkiile Todd Boehly lacag aan...

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Arsenal iyo guud ahaan jamaahiirta kooxdaas ayaa werwer kala laabtay kulankii FA Cup ee ay xalay ku hadheen...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.