Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 19, 2023
0
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Paris St-Germain diyaar ayay u ahayd inay Kylian Mbappe u fasaxdo inuu Liverpool ku biiro xagaagii hore balse isaga ayaa diiday xilli Real Madrid lala xidhiidhinayay. (Athletic – subscription required)

ADVERTISEMENT

West Ham ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka Aston Villa ee Danny Ings iyagoo u arka mid ka caawin kara gool dhalinta ay ku dhibtoonayaan. (Telegraph – subscription required)

Arsenal saxeex kale oo weyn kuma degdegi doonto suuqan January kaddib waayitaanka Mykhailo Mudryk waxayna sugi doonaan ilaa xagaaga si ay ugu dhaqaaqaan khadka dhexe ee West Ham ee Declan Rice. (Sun)

West Ham ayaa isku dayday inay inta ka dhiman xilli ciyaareedka amaah ku qaadato Harry Maguire balse tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa diiday isagoo doonaya inuu kooxda joogo inta ka dhiman xilli ciyaareedka maadaama ay koobab badan u tartamayaan. (Mail)

ADVERTISEMENT

Thomas Tuchel ayaa diyaar u ah inuu shaqada tababarenimo kusoo laabto kaddib Chelsea wuxuuna diyaar u yahay inuu qabto Tottenham haddii Antonio Conte ka tago. (Standard)

Sidoo Kale Akhri

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023
DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

February 7, 2023

Everton ayay macquul tahay inay isku daydo inay macalin Frank Lampard ku bedesho tababaraheedii hore ee David Moyes oo qudhiisu West Ham ku dhibtoonaya. (Sun)

Moyes ayaa laga caydhin doonaa West Ham haddii uu toddobaadkan guuldarro kala kulmo Everton. (Telegraph – subscription required)

Tottenham ayaa Lucas Moura oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo u bandhigtay Everton. (Mail)

Manchester United ayaa heshiis midkii hore ka horumarsan u bandhigtay da’yarkeeda Alejandro Garnacho oo lala xidhiidhinayo Real Madrid. (Independent)

ADVERTISEMENT

Nottingham Forest ayaa Newcastle amaah kaga doonaysa saxeexa weeraryahan Chris Wood. (Mail)

Chelsea iyo Man United ayaa diyaar u ah inay xagaaga Tottenham kula tartamaan saxeexa goolhaye David Raya. (Telegraph – subscription required)

Tottenham ayaa dalab 30 Milyan oo pound oo lagu daray gunnooyin shuruudo ku xidhan ah ka gudbiyay daafaca midig ee Pedro Porro balse Sporting ayaa doonaysa bixinta £39 Milyan ee heshiiskiisa lagu jabin karo. (Record – in Portuguese)

Atletico Madrid ayaa 2.6 Milyan pound kula saxeexanaysa weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay. (Fabrizio Romano)

FC Copenhagen ayaa xaqiijisay inay Leicester wadahadalo kagala jirto iibka daafaceeda bidix ee Victor Kristiansen balse aan wali waxba la hubin. (Leicester Mercury)

Ronaldinho wiilkiisa Joao de Assis Moreira  ayaa tijaabo ku maraya Barcelona, 17 sano jirkaas ayaan ilaa haatan tababarayaasha kooxda qancin balse madaxweyne ayaa ka codsaday in wakhti dheeri ah la siiyo. (La Gazzetta dello Sport)

Villarreal ayaa ugu cad cad inay bilaash xagaaga kula saxeexato weeraryahanka Blackburn ee Ben Brereton Diaz.(Express)

Share476Tweet298
ADVERTISEMENT

Related Posts

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Murugaysan Ayaa Markii Ugu Horreysay Yimid Tababarka Xilli Uu Ka Fikirayo

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Pep Guardiola oo uu wejigiisu beddelan yahay ayaa markii ugu horreysay la arkay tan iyo markii ay soo baxeen fadeexadaha...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.