Al Hilal oo ah kooxda xifaaltanku kala dhaxeeyo kooxda cusub ee Ronaldo ee Al Nassr ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa Lionel Messi oo ay u ogol yihiin mushahar $300m ah sanadkii. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Arsenal ayaa kusoo laabatay xiisaha weeraryahanka Juventus ee Dusan Vlahovic oo 110 Milyan oo euro lagu qiimeeyo. (La Repubblica – in Italian)
Arsenal ayaa dalab cusub ka gudbisay garabka Shakhtar ee Mykhaylo Mudryk iyadoo heshiis ay kusii dhawaanayaan labada kooxood. (Fabrizio Romano)
Tottenham ayaa xiisaynaysa garabka weerar ee Leandro Trossard oo ka tirsan Brighton. (Evening Standard)
Kooxo ka ciyaara Spain, France, Germany iyo Italy ayaa indho-indhaynaya xaalada Joao Cancelo ee Man City kaddib markii uu waayay booskiisii kooxda. (Telegraph)
Wolves ayaa laga aqbalay dalab ay ka gudbisay xiddiga PSG ee Pablo Sarabia. (AS – in Spanish)
Southampton could move for Luton Town’s English right-back James Bree, 25, as they look to sign a full-back this month. (The Athletic – subscription required)
Leeds heshiiska ay Hoffenheim kaga doonayso weeraryahan Georginio Rutter ayaa ah 35 Milyan oo pound oo rekoodhka suuqa u noqonaya kooxdaas. (Sky Sports)
Everton ayaa isha ku haysa saxeexyada laba weeraryahan suuqan January. (Football Insider)
Besiktas ayaa weeraryahanka Wolves ee Raul Jimenez u aragta bedelka Wout Weghorst oo kaga biiraya Manchester United. (Fotospor, via Metro)
Wolves ayaa dhaqan gelisay oo rasmi ka dhigtay heshiiska 44.4 Milyan pound ah ee ay Atletico Madrid kagala wareegayso weeraryahan Matheus Cunha.(Fabrizio Romano)
AC Milan ayaa heshiis cusub oo ilaa 2027 ah ka saxeexatay khadkeeda dhexe ee Ismael Bennacer. (AC Milan)
Chelsea ayaa khadka dhexe ee Brigton ee Moises Caicedo u aragta dookh ka qiimo jaban Enzo Fernandez oo ay Benfica ka doonaysay. (Guardian)
Chelsea dalab fiican ayay ka gudbisay weeraryahan Marcus Thuram oo marka hore go’aankiisu ahaa inuu Monchengaldbach sii joogo suuqan. (Di Marizio)
Memphis Depay heshiiska uu ugu biirayo Atletico Madrid waa mid dhaw. (Marca)