Arsenal ayaa xiisaynaysa daafaca bidix ee Barcelona ee Alejandro Balde oo aan wali kooxdiisa heshiis kordhin u samayn. (Sport – in Spanish)
Newcastle ayaa isku diyaarinaysa inay xagaaga u dhaqaaqdo saxeexa garabka Bayer Leverkusen ee Moussa Diaby. (Bild – in German)
Aston Villa ayaa ku dhaw inay horumar ka samayso saxeexa daafaca bidix ee Alex Moreno oo ay ka doonayso Real Betis. (Football Insider)
Southampton ayaa ka fikiraysa saxeexa weeraryahanka Celtic iyo xulka Japan ee Daizen Maeda. (Sky Sports)
Racing Club ayaa Southampton ka diiday dalab ay kasoo gudbisay da’yarka Carlos Alcaraz. (The Athletic – subscription)
Southampton ayaa sidoo kale kooxda Lorient kasoo diiday dalab 15 Milyan oo pound ah oo ay ka gudbisay weeraryahanka ree Nigeria ee Terem Moffi. (Mail)
Manchester United ayaa beenisay wararka sheegaya in kabtankeeda Harry Maguire ku dhaw yahay inuu ku biiro kooxda. (Manchester Evening News)
Maalgaliyayaasha ree Qatar ee iska leh PSG ayaa xiisaynaya inay la wareegaan koox Premier League ah, dhawan ayay wadahadalo la yeesheen guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy. (CBS Sports)
Roma agaasimaheeda ciyaaraha ee Tiago Pinto ayaa kalsooni ku qaba in Chris Smalling heshiis kordhin u samayn doono. (Football Italia)
Manchester United, Newcastle, Arsenal iyo Chelsea ayaa xiisaynaya weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay oo Barca ka bixi kara suuqan. (Sport – in Spanish)
Atletico Madrid ayaa doonaysa inay dib ula saxeexato garabka Man United ee Alejandro Garnacho balse lama filayo in United ay fasaxdo. (Fichajes – in Spanish)
Manchester United ayaa ka fikiraysa saxeexa weeraryahanka 36 sano jirka ah ee Inter Milan ee Edin Dzeko. (Mail)
Tababaraha Sporting Lisbon ee Ruben Amorim ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin xiisaha Tottenham u muujinayso daafaca midig ee Pedro Porro iyo khadka dhexe ee Marcus Edwards. (Standard)
Tottenham ayaa isha ku haysa saxeexa goolhayaha Brentford ee David Raya oo ay u rabaan bedelka Hugo Lloris oo 36 sano jir ah. (Telegraph – subscription)