Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Arbaco Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 11, 2023
0
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Real Madrid ayaa xagaaga dambe doonaysa saxeexa Harry Kane, heshiiskiisa Tottenham ayaa 2024 dhacaya waxaana la filayaa inuu xagaaga noqdo mid 100 Milyan oo euro lagu heli karo. (Todofichajes – in Spanish)

ADVERTISEMENT

Poland ayaa tababarihii hore ee Aston Villa ee Steven Gerrard ka gudbisay dalab ay ugu doonayso shaqada xulkeeda. (Polish publication Meczyki, via Mail)

Arsenal ayaa ka fikiraysa inay u dhaqaaqdo saxeexa garabka Real Madrid ee Eden Hazard oo 32 sano jir ah. (Mediafoot – in French)

Chelsea ayaa Tottenham kula biirtay tartanka daafaca midig ee Sporting Lisbon ee Pedro Porro, kooxdiisa ayaa doonaysa in la wada bixiyo 45-ka Milyan ee euro ee heshiiskiisa lagu jabin karo. (90 Min)

ADVERTISEMENT

Besiktas ayaa aqbashay inay 3 Milyan oo euro Man United ka qaadato oo u fasaxdo weeraryahanka markii hore Burnley amaahda ugaga yimid ee Wout Weghorst, kooxda Turkey-ga ah ayaa heshiiska fasixi doonta kaliya markay bedelka Weghorst hesho. (Guardian

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

Everton ayaa Villarreal wadahadalo kagala jirta saxeexa weeraryahan Arnaut Danjuma. (Bruno Alemany – in Spanish)

Nottingham Forest ayaa sidoo kale xiisaynaysa Danjuma. (Sky Sports)

Atletico Madrid ayaa mid kamida xiddigaha bedelka u noqon kara Joao Felix u aragta weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay. (sportitalia.com – in Italian)

Saxeexa Felix ma saamayn doono heshiiska uu xagaaga dambe Chelsea ugu soo biirayo weeraryahanka RB Leipzig ee Christopher Nkunku. (Fabrizio Romano)

ADVERTISEMENT

Newcastle United ayaa u dhaqaaqday saxeexa 18 sano jirka weeraryahanka Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko oo ay sidoo kale Chelsea xiisaynaysay, waxay bilaash ku heli karaan xagaaga marka qandaraaskiisa Dortmund dhaco. (Evening Standard)

Marseille khadkeeda dhexe ee Matteo Guendouzi ayay dalab ka gudbisay koox Premier League ah oo aan la magacaabin. (L’Equipe – in French)

Khadka dhexe ee Atalanta ee Teun Koopmeiners ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in kooxda Liverpool lala xidhiidhiyaa balse uu diirada saarayo haatan kooxdiisa. (Goal)

Share525Tweet328
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.